CABAYS.COM
Wafti dalka Ugaandha ka yimid oo kulan la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
July 18, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa- JSL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ballaadhan oo ka socda dalka Uganda, kuwaasoo ka kooban xildhibaanno Baarlamaan iyo xubno dawladda ka tirsan.

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha wefdiga xildhibaannada ah ee ka socday dalka Uganda, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici).

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Uganda iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland,Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sharraxay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo weftiga.

Waxaanu yidhi “Waxa halkan inoogu yimi oo soo booqday madaxweynaha wefdi ka kooban xubnaha Baarlamaanka ee dawladda Uganda oo soo sharfay madaxweynaha.

Uganda waa dal uu inaga dhexeeyo cilaaqaad taariikhi ahi oo dad iyo dhaqanba inaga dhexeeyo, madaxweynuhuna aad iyo aad buu usoo dhaweeyey.

Waxaanay inala joogi doonaan dhawrka cisho ee soo socda, waxana uu kulankani inoo noqon doonaa bilowga cilaaqaad cusub oo dhinac walba ah.”

Isaga hadalkiisa sii waxa uu wasiirku intaas ku daray, “Waxa ay madaxweynaha iyo wefdigu ka hadleen cilaaqaadka ina dhexmari kara, iyaguna waa wefdi xog-doon ah oo inay xog-ogaal inoo noqdaan bay inoogu yimaadeen” Dr. Sacad Cali Shire ayaa sidaa ku sharaxay socdaalka waftiga Uganda.

Geesta kale weftigan ka socda Uganda ayaa la sheegay in uu muddo dhawr maalmood ah joogi doona Somaliland, iyadoo la filayo in ay kulamo la yeeshaan Golaha Wakiilada JSL iyo laamaha dawlada ee kala duwan.

 

COMMENTS