CABAYS.COM
Abiy Ahmed Iyo Isaias Afwerki Oo Soo Afjaray Colaadii U Dhaxaysay Labada Dal Heshiisna Wada Galay
July 9, 2018 - Written by Cabays

Raysal wasaaraha dalka itoobiya Abiy ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki  ayaa maanta kala saxeexday heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadaha dabada dheeraday ee  ka jiray soohdinta u dhaxaysa labada dal,

“Heshiiska, oo qeexaya shan tiirar, ayaa maanta lagu saxiixay Aqalka Madaxtooyada ee Madaxwaynaha Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Abi Axmed,” Wasiirka Yemane Gebremeskel  ayaa ku wehelinaaya miiska heshiiska ay ku wada galeen labada dhinac.

Axaddii, kulan ku dhexmaray hoggaamiyeyaasha labada waddan ee Asmara ayaa lagu soo afjaray muran iyo dagaalo tobanaan sano u dhexeyey. 

Yemane G. Meskel@hawelti

Joint Declaration: … iii) Transport, trade and telecommunication ties will be resumed; diplomatic ties & activities renewed; iv) Border decision will be implemented; v) Both countries will work together to guarantee regional peace, development & cooperation

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo bandhigay isbeddelada la doonayo in lagu soo afjaro colaadaha ka taagan labada dal dhexdooda, Afwerki. “Waxaan ku heshiinney in shirkadaha diyaaradaha bilaabi doonaan, dekadaha la heli karo, dadku waxay u wareegi karaan labada dal, safaaradaha ayaa la furi doonaa,” Abiy ayaa ku yidhi . ” waxaan samaynaynaa buundo u dhaxaysa labada dal oo ka hadalay heshiiska labada dal maanta gaadheen”

COMMENTS