CABAYS.COM
Abwaan Maxamuud Cabdillahi Singub oo ku geeriyooday dalkii uu ugu necbaa
June 18, 2019 - Written by Cabays

Cabays Media ( Geerida Abwaan Singub)  Qore Cabdilaahi Maxamed Cali –  Allah u naxariisto Abwaan Maxamuud Cabdillahi Ciise Singub oo ku geeriyooday caasimada dalkiii uu ugu necbaa – Addis Ababa!

Abwaan Singub waxa uu ii sheegay in uu badhtankii sanadkii 1943-dii ku dhashay magaalada meel miyih ah duleedka Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya,siiba deegaanka loo yaqaan “Caro-Ogaadeen” oo beesha uu ka soo jeeday ee Ogaadeen dagan tahay..

Abwaanka sanadkii 1999kii oo aan wareysi kaga duubay Guriga fanaada weyne ee Nakruumo oo xiligaa ku yaalay Xaafada Dixon ee Galbeedka Toronto, xiligaas oo uu nagala qayb-qaatay barnaamij muuqaal ah oo aanu ku ururinaynay taariikhdii Xornimo-doonka iyo suugaan-yahanadii dadka guubaabin jiray oo aan wax ka weydiinay waxa uu ka ogaa C/laahi Suldaan Timcadde., Abwaan Singub waxa uu noo sheegay in uu xiligaa ahaa ilaa 55 jir, imikana qiyaastii uu ku geeriyooday 75-76jir.

Abwaanku waxa uu bahda fanka iyo suugaanta si rasmi ah ugu biiray isagoo aad u yar, waxanu iii sheegay in uu gabaygii uugu horeeyey ee uu tiriyo ka tiriyey magaalada Jigjiga isagoo aan gaadhin 20 jir, waxyar ka hor intaanu u soo gudbin dhanka Hargeysa oo uu ku sii doob-dilaacsaday.

Hase ahaatee waxa uu si rasmi ah u soo shaac baxay markii uu tartan hal-abuurka ah ku guulaysta magaalada Xamar oo uu u sii gubay, halkaas oo abwaano waa weyn oo uu ka mid yahay Cali Sugule, Duncarbeed iyo Cusmaan Askari ay gacan qabteen. Markii uu Ruwaayado ay leeyihiin abwaanadaasi jilaa ka noqday, waxa uu bilaabay barahshada sida suugaanta Riwaayadaaha loo habeeyo, waxana gacan qabtay Abwaan Cusmaan Askari oo tusay qaabka loo habeeyo mashrixiyada iyo abuurka suugaan kooban oo riwaayadaha dhex-taal looga dhigo.

Abwaanku waxa uu ii sheegay xiligaa aan wareystay, in uu hibada suugaanta ka sitay dhanka aabihii iyo abtigii oo uu yidhi waxa ay ahaayeen dad suugaanta ku hodan ah.

Abwaanka waxa lagu xusuusan doonaa ruwaayadihii aadka u hirgalay ee ay ka midka ahayeen Xoriyo Nin-gayaa ha Guursado iyo Waa maadays Aduunyadu dadkuna wey matalayaan iyo kuwo kale oo badan.
Abwaanka waxa uu ahaa mid aad u taageersanaa xukumadii Jaale Siyaad, markii aan weydiiyey sobobta waxa uu ii sheegay in uu ka cabsi qabay in sida Somalia hadda noqotay ay nooto,

Sidoo kale waxa uu abwaankuu aad u necbaa dalka Itoobiya iyo xukumadiisa, waxaanu aamisanaa in aanay jirin cid uga cadowsan Soomaalida Itoobiyo.
Abwaanku kuma noqon dhulkii uu ku dhashay sidii uu uga yimid sanadkii 1964kii kadib, sida uu ii sheegay xiligaa aan wareysiga dheer ee taariikhdiisa iyo tii Timiacadde aan wax ka weydiiyey.

Abwaanka ayaa ku, waxa uun ka tagey 23 carruur ah iyo 2 xaas.

Allah ha naxariisto isaga iyo inta dhimatayba. Aamiin, aamiin!!!

Image may contain: 1 person, close-up
Image may contain: 1 person, sleeping
COMMENTS