CABAYS.COM
Abwaannad Naciimo Qorane oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah
April 15, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa-JSL) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa saddex sano oo xadhig ah ku xukuntay Niciima Abwaan Qorane oo muddooyinkii u dambeeyey ku xidhnayd Hargeysa.

Naciima Axmed Ibraahim, oo ah gabadh dhallinyaro ah oo dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda ayaa lagu soo ogay dambi ah inay ka hortimi qaranimada Somaliland, sidoo kalena ay ka hadashay arrimo iska hor keeni kara beelaha Somaliland.

Bahda garsoorka iyo hay’adaha u dooda xuquuqul iinsaanka ayaa hore u cambareeyey xadhiga Niciima Axmed Ibaarim. Sidoo kale qareenada u doodaya ayaa sheegay in ay rafcaan kaqaadanayaan xukunka ku dhacay Naciima Qorane.

Naciima Qorne ayaa bulshada Somaliland aad u hadal haysay mudooyinkan kadib markii ay Muqdisho ku soo badhigtay ragtiyo lid ku ah jiritaanka Jam. Somaliland, isla markaana ay kaga hadashay erayo wax u dhimaya Somaliland.

NIICMADA ABWAAN QORANE

 

 

 

 

 

Naciima Qorane ayaa loo tuhmayaa in ay qayb ka tahay koox dhalinyaro ah oo Muqdisho ka jira oo loo abaabulay in ay wax yeesho nabada iy owada jirka Somaliland , kuwaas oo dhalinyarada ku so odhex tuuraya aragtiyo lid ku ah dalka Somaliland.

Sidoo kale waxa Naciima u doodaya dadka aad uga soo horjeeda Somaliland ee ku dhaqan qurbaha kuwaas oo qoraalo iyo codad ay kaga soo horjeedaan xadhiga Naciima ku faafinaya baraha bulshada ee Internet-ka,

Ma aha markii ugu horaysay ee qof Somaliland u dhashay oo loo xidho aragtiyo lid ku ah Somaliland oo uu faafiyo.

La soco warka Naciima Qorane wixii ka soo kordfha.

COMMENTS