CABAYS.COM
Aby Ahmed: “6 Nooc Oo Ka Mid Ah Muslimiinta Ayaanay RAMADAANTU Waxba U Tarin”
May 23, 2019 - Written by Cabays

Addis Ababa (Cabays Media) –  Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa ka hadlay saamaynta ay bisha Ramadaan ku leedahay bulshooyinka muslimka ah ee aaminsan diinta Islaamka, laakiin ay jiraan kuwo aanay waxba u taarin oo xumaantoodu badan tahay.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo ka hadlayey kulan afur ahaa oo Muslimiinta Ethiopia loogu sameeyey magaalada Addis Ababa, ayaa waxa uu ka sheekeeyey dhaqanka suubban ee Islaamka oo uu aqoon fiican u leeyahay maadaama uu Aabbihii ahaa Muslim, waxaana uu ballan qaaday in dhawaan dalka laga samayn doono Bangi Islaami ah oo ay dadka Muslimiintu lacagahooda dhigtaan, kana helaan maalgelin ka reebban Ribo.

Dr. Abiy Ahmed waxa uu sheegay in dadka beenaaleyaasha ah ee haddana diinta Islaamka aaminsan in aanay waxba u tarin bisha barakaysan ee Ramadaantu, taas oo inkasta oo aanu Xadiith iyo Aayad quraan ah midna u daliishanin haddana uu ku saxsan yahay, maadaama uu Nebi Muxamed N.N.K.H uu sheegay in ummaddiisu aanay beenta sheegin oo ay tahay shay xaaraan ah.

Ra’iisal wasaaruhu waxa kale oo uu xusay shan nooc oo kale oo aanay Ramadaantu waxba u tarin, kuwaas oo kala ah Munaafaqiinta ka shaqeeye isku-dirka ummadaha, Xaaraan Quuteyaasha, Balaayo oogeyaasha iyo Khiyaanooleyaasha.

Intii uu khubdadddiisa watay, Dr. Abiy waxa uu u ballan qaaday Muslimiinta in magaalada Addis Ababa looga samayn doono meel ay u dalxiis tagaan oo ay ku ciidaan maalmaha farxadda, waxaanu kula dardaarmay Muslimiinta Ethiopia inay isku duubnaadaan oo ay ka shaqeeyaan midnimadooda.

COMMENTS