CABAYS.COM
Afeworki oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Jabuuti
December 7, 2018 - Written by Cabays

cabay.Media (D.jabuti)Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afeworki ayaa lagu wadaa in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka deriska la ah ee Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo u warramay wakaaladda wararka ee Anaadool ayaa sheegay in madaxweynaha Eritrea uu dhawaan booqasho ku imanayo wadankiisa.

Xiriirka dalalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa soo wanaagsanaanayay waayihii dambe kadib markii dowladda Itoobiya ay billawday waanwaan nabadeed oo ay ugu kala dabqaadeyso labada dal, taas oo guud ahaan laga soo dhaweeyay gobolka.

“Ma cayinna waqtiga uu ku soo beeganyahay, balse labada madaxweyne ayaa booqashooyin is dhaafsan doona mar dhaw” ayuu yiri wasiir Yuusuf. “Labada madaxweyne ayaa horay u kulmay bishii Sebteembar, anna waxaan la kulmay dhiggeyga Eritrea. Halkaas ayaanna kasii amba qaadi doonaa dhisidda kalsoonida labada dal” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Wasiir Yuusuf ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeeyay dhisidda buundo nabadeed ka hirgashay gobolka.

“Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa isku howlaya abuurista jawi nabadeed sahlaya dib u heshiisiin kaas oo sara u qaaday xasilloonida iyo nabadda” ayuu Yuusuf.

Booqashada Afeworki ayaa noqon doonta mid taariikhi ah, maadaama labadaa dal aaney xiriir wanaagsan lahayn muddo sanooyin ah, iyadoo oo uu u dhexeeyay dagaal xudduudeed.

Bishii Juun ee sanadkii 2008, labada waxaa dhexmaray dagaal saddex maalmood soconaayay kadib markii Jabuuti ay Eritrea ku eedeysay in ay soo jiirtay qeybo ka mid ah xudduudeeda.

COMMENTS