CABAYS.COM
Arday Jaamacada Camuud Wax Ka Baranaysay & Qoysas Reer Puntland Ah oo Somaliland Uga Qaxay Colaadda Tukaraq Iyo Weedhaha Siyaasiyiinta ee Somaliland iyo Puntland
June 13, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(BW):-Qaar ka mid ah ardeyda wax ka barata jaamacadda Camuud ee Boorama iyo weli ba sida oo kale qoysas tiro badan oo iyagu na ku noolaa magaaladdaasi oo iyaga iyo ardeydu ba ka soo jeeday Maamul Goballeedka Puntland, ayaa maalmahii ugu dambeeyey ka qaxaayey gudaha Somaliland ka dib markii dhawaan uu Afhayeenka dawladda Puntland uu ugu baaqey in ay iskaga soo baxaan Somaliland.

Wargeyska Waaberi oo arrintan u kuur-galay, ayaa oggaadey in ardey tiro badan oo wax ka baran jirtay Jaamacadda Camuud ay iskaga yaaceen dalka iyaga oo cabsi ka qaba in lagu dhibbaateeyo gudaha Somaliland, waxa kale oo Wargeysku xaqiijiyey in qoysas reer Puntland ah oo muddo dheer deganaa dalka ay iyagu na ka qaxeen gudaha magaalada Boorama, ku waasi oo dhammaantood ba dib ugu noqdey Maamul goballeedka Puntland ee Somaliya oo ay markii hore ka yimaadeen.

Sida uu Wargeyska Waaberi u xaqiijiyey Cabdirisaaq Cismaan oo ka mid ah ardeyda reer Puntland ee wax ka barata jaamacadda Camuud, ardey tiro badan iyo qoysas deganaa magaalada Boorama ayaa iskaga baxaya Somaliland iyaga oo dib ugu laabtay Maamul goballeedka Puntland ee Somaliya, waxaana uu sheegay in dadkaasi ay u qaxeen cabsi ay ka qabaan colaado horleh oo ka dhex qarxa Somaliland iyo Maamul goballeedka Somaliya.

“Haa walaalo ardey baxdey way jirtaa, dad meesha deganaa oo reero ahaa oo guureyna waa ay jiraan, markaa hawshaasi waa ay jirtaa walaalo. Sababta ardeydaas iyo dadkaasi na u baxeen waa hadalkii Afhayeenka uun walaalo, dee colaado na waa ay soo socdaan oo in ay dagaalo qarxaan baa dhici karta walaalo, markaa walaalo nimankii waaweynaa ee dadka madaxda u ahaa wixii ay ku hadlaayeen waa aad maqleyseen inkastoo dee ninkaa Afhayeenka ahaa uu hadalkiisu aanu wanaagsaneyn, se wax kastaa waa ay ka suuroobeysaa oo waa suurto-gal.”.Ayuu yidhi Cabdirisaaq Cismaan

Ardeyga Cabdirisaaq Cismaan oo sida oo kale Wargeysku wax  ka weydiiyey saameynta ay isaga ku yeelatay hadalkii ka soo yeedhay Afhayeenka Puntland, ayaa waxa uu sheegay in ay shakhsi ahaan ku yeelatay saameyn xoogga isla mar ahaantaana uu jecel yahay in uu dib ugu laabto halkii uu hore uga yimi ee Puntland.

“Anigu reer Puntland baan ahay walaalo, ardeyda wax ka barata jaamacadda Camuud na waan ka mid ahay, arrintu na runtii aad bay noo saameysay se weli maan go’aansanin in aan tago se in aan tago waan jecelahay, se kolay dariiqaas la mari maayo haddii dagaalo bilaabmaan se waxa ay noqoneysaa in meelahaa kale inta la aado deedna laga soo wareego.”.Ayuu yidhi Cabdirisaaq Cismaan.

Cabdiraxmaan Xasan Faarax oo isna ka mid ah ardeyda reer Somaliland ee wax ka barata Jaamacadda Camuud oo la hadlay Wargeyska Waaberi, ayaa isna dhankiisa xaqiijiyey in ardey badan oo ka soo jeeda Puntland oo wax ka baran jirtay Jaamacadda Camuud ay hada ka yaaceen waxbarashadoodii isla mar ahaantaana ay iyaga iyo qoysas ka soo jeeda Puntland ba u qaxeen meelahii ay ka yimaadeen.

“Walaalo anigu waxa aan bartaa Caafimaadka(Medicine), arrintaa aad i weydiisay na waa arrin jirta walaalo oo inamo badan oo aanu qaarkood isku fasal nahay baa yaacay oo weli ba u badan jaamacaddeyda iyo qaar kale ba, ardeydaasi waxa ay iskugu jiraan qaar dhigan jiray Kuliyadaha Beeraha oo ay u badnaayeen, Injineerinka oo ay qaarkood ahaayeen way ka yaaceen meesha xattaa xaafado yaalay Boorama oo qaarkood ay deris na la ahaayeen oo xaafadda nagu xigtay ahayd oo dhinacaa badda cas ah iyagu na waabay yaaceen oo way guureen, xaafado kale oo badan iyagu na waa ay guureen oo yaalay, markaa walaalo iyo dee ardey kale oo badan oo la ii sheegay ba waa ay yaaceen, sababta ay u yaaceen waa hadalkii Afhayeenka Puntland ka soo yeedhay uun ee uu yidhi ardeydu ha soo baxaan, markaa waxaas bay maqleen oo way yaaceen walaalo.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Xasan Faarax

Cabdiraxmaan Xasan Faarax oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:- “Mid ka mid ah ardeyda yaacdey oo aanu isku fasal ahayn baan weydiiyey sababta uu u baxay oo xalay igu yidhi waan baxayaa inta aanu suuqa isku aragnay, markaa wuxu igu yidhi arrintaas baanu u baxaynaa oo ma soo noqoneyno, jaamacadda na bedalkayagii waanu ka qaadanay. Markaa walaalo runtii ardeyda meesha ka yaacday aad bay u badan tahay.”

Xukumadda Somaliland iyo waxgaradka gobolka Awdal ayaa dhawr jeer ku celiyay in ay dadka reer Puntland iyo ardayda Somaliland wax ku barata u damaanad qaadayaan in aanay cidna waxba yeeli doonin.

Sheekhal Baladka Boorama Sheekh Cabdillaahi Sh Cali Jawhar ayaa shalay ku baaqay in aanay dadku maqlin hadalka ka soo yeedhay afhayeenka Puntland u hadlay waxaanu ku tilmaamay arrin ka baxsan dhaqanka Soomaalida in sidaasi dadka la isaga hor keeno.

Source: Wargeyska Waaberi

COMMENTS