CABAYS.COM
Ardaydii hore ee dugsiga 26ka Juun ee Caasimada Jam. Somaliland oo u kacay dugsigoodii-
June 15, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:– Ardaydii hore u soo martay dugsiga weyn ee 26ka Juune sanado kale duwan ayaa ku kulmay urur cusub oo taageeraya horumarinta dugsigaas 26ka Juun oo ku yaal caasimada Jam. Somaliland.

Kulankii 2aad ee ay iskugu yimaadaan ardaydii hore ee dugsiga 26ka Juun oo kulan afur iyo casho ah ku yeeshay magaalada London ayaa ka waramay sida ay ugu heelan yihiin in ay wax la qabtaan dugsigaas oo la sheegay in uu ka mid yahay dugsiyada aadka u dayacan ee caasimada Somaliland ku yaal.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka kulankii ay ku yeesheen London 10/06/2017 oo u gogol xaadhaya kulan balaadhan oo ay ardaydii hore ee dugisga 26ka Juun iskugu imanayaan 5ta bisha todobaad ee sanadkan.

 

 

Dadweynaha Somaliland ee caalamka kala jooga yaa loogu baaqyaa in ay taageeraan ururka Dugisga 26ka Juun ee caasimada Somaliland oo qaaday talaabo aan hore loo qaadin oo arday wakhti hore ka baxday dugsi ay dib u eegaan dugsigoodii.

Cabays Media Staff

 

26KAJ

COMMENTS