CABAYS.COM
Askar ka wada tirsan ciidanka UGANDA ee AMISOM Oo Muqdisho Isku Laayay + Tirada Geeriyootay
May 13, 2019 - Written by Cabays

Muqdisho (Cabays Media)- Askar ka mid ah ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee dalkaasi Soomaaliya ka hawl gala ayaa la sheegay inay isku dileen magaalada Muqdisho, waxaana la shaaciyay xogta la xidhiidha dagaal dhexmaray askartaasi oo ka dhaxay xerada ay degan yihiin.

Afar kamid ah ciidamada dowladda Uganda ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii ay dhexdooda isku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay dhamaantood kamid ahaayeen saraakiisha AMISOM.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhex galay mid kamid ah askarta  Uganda iyo kormeerihiisii, taasina waxay keentay in askariga uu toogto Kormeerihiisa iyo labo askari oo la joogtay.

Falkan ayaa ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn askariga falka geystay la sheegay inuu naftiisa dilay, taasi oo si weyn looga hadal hayo xerada Xalane.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda Brig Richard Karemire, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu intaas raaciyay in Saraakiisha Uganda ay baadhitaan ku hayaan kiiskan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ma sheegin waxa sababay falkan, sidoo kale ma sheegin magacyada Askarta isku leysay Xerada Xalane, waxaana uu ku gaabsaday in ay baadhis ku sameynayaan.

Waa Dhacdadii ugu horeysay oo sanadkan 2019 ay ciidamada Uganda ay isku dilaan magaalada Muqdisho iyada oo dhawaan uun warbixin laga diyaariyay dhinaca kale ciidamada AMISOM ka tirsan ee Kenya ay noqdeen kuwo ugu badan ee waasha ama xanuunada dhimirku ku dhaceen mudadii ay joogeen Soomaaliya.

COMMENTS