CABAYS.COM
Badhsabka Sanaag Oo Ka Hadlay Xaalada Amni Ee Gobolka Iyo Sidoo Kale 27 Qof Oo Ku Sumoobay Xaflad Aroos
July 5, 2018 - Written by Cabays

-Guddoomiyaha gob lka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dad xaflad aroos ku sumoobay degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag iyo kooxo caafimaad oo gurmad loogu diray.

Guddoomiyaha oo xalay khadka taleefanka ugu warramay wargayska Dawan, waxa uu intaa ku daray in ay sugayaan gudigii heer qaran ee gelayay arrinta nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah ee deegaanka Ceel-Aweyn dirirtu ku dhexmartay.

Ugu horrayn guddoomiye Timbaro oo ka hadlayay dad xaflad aroos ku sumoomay deegaanka Xiingalool iyo siday ugu gurmadeen, ayaa yidhi “xalay (habeen hore) 27 qof ayaa ku sumobay xaflad aroos magaalada Xiingalool, markii warku na sogaadhayna waxaanu u dirnay kooxo caafimaad dadkana shuban,ayaa ku dhacay waxaanay cabbeen caano uuku dhacay Mas sida ay u badan tahay, dhammaan dadkiina aad ayay u wacan yihiin oo waa la daweeyay imikana xaalad laga dayriyo ma qabaan oo markii la daweeyay ee shubankii laga joojiyayba way wada ficnaadeen cid ku dhimatay ama xaalad culus gashayna ma jirto.”

Guddoomiyaha oola waydiiyay xaaladda nabad gelyo ee deegaanka degmada Ceel-afweyn,ayaa yidhi. “guud ahaan gobolku waa nabad gelyo gaar ahaan xaaladda degmada Ceel-afweyn aad ayay u wanaagsan tahay waana nabad gelyo waxdhibaato ahina kama jirtaan,waxaa keliya ee aanu sugaynaaimika waxay tahay in ay noo yimaadaan gudigii nabadaynta ee heer qaran ee madaxweynaha Somaliland u saaray arrinta labada beelood.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Timbaro oo xalay khadka taleefanka ugu warramay wargayska Dawan isagoo ku sugan Ceerigaabo Xarunta gobolka Sanaag.

COMMENTS