CABAYS.COM
Badiba Masaajidada Hargeysa Oo Dhegaha Ka Furaystay Amarkii Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Ee Codbaahiyayaasha Salaadda Tahajudka
May 30, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)- Badiba Masaajidda ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan caasimadda  Hargeysa waxa ay gabi ahaanba dhegaha ka furaysteen oo diideen amarkii dhawaan ka soo baxay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee la xidhiidhay in aanay Masaajidada dalku cod-baahiyayaashooda Masaajidda dibaddiisa ku yaalla aanay u isticmaalin baahinta salaadda Tahajudka (Salaatullayl) kadib cabasho badan oo ka timid dadka waayeelka ah, kuwa xanuunsan iyo ubadka yaryar.

Kadib markii uu dhawaan soo baxay Amarka Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, dad badanina sugayeen in amarkaasi hir galo ayaa wakhtigan u muuqda mid kaliya ku koobnaa warbaahintii amarkaasi la mariyay kadib markii ay Masaajidada intooda badan iska sii wateen qaabkoodii hore ee ay walba makarafoonnada codka dibadda ku baahiya u isticmaaleen salaadda Tahajudka ee Tobanka dambe ee Bishan Barakaysan ee Ramadaan kuwaasi oo habeennadii ugu dambeeyey si toos ah codkooda looga maqlayay magaalada Hargeysa gaar ahaan wakhtiga salaadda Tahajudka iyada oo aan marka hore loo diidin salaadda Taraawiixda oo uu kaliya go’aankaasi khusaynayay salaadda Tahajudka oo niska dambe ee habeennimo la tukado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdale markii uu go’aankan toddobaadkan ka hadlayay waxa uu sheegay in cabasho badan oo shacabka ka timid kadib ay Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidada ka codsanayaan in aanay salaadda Tahajudka u isticmaalin Makarafoonada ama codbaahiyayaasha Masaajidda ee dibadda codka u tuura si aanay dadka jilicsan iyo kuwa bukaa dhibaato ugala kulmin.

Hadalkaasi Agaasimaha ayaa u muuqda mid aanay u hogaansamin masuuliyiinta masaajidada gacanta ku hayaa iyada oo aanay ahayn markii ugu horraysay ee amar wasaaradda ka soo baxa la buriyo oo ay sidan oo kale ahayd Bishii Ramadaan ee Sannadkii hore iyada oo si la mid ah sidan aanay cidina dheg u siin hadalka wasaaradda.

Halkan Ka Dhagayso Amarkii Wasaaradda:

COMMENTS