CABAYS.COM
Booqashada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Djibouti: Waa salaan diiran maxaa xigi?
January 6, 2018 - Written by Cabays

Cabay Media: – Socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee dalka Jibouti waa mid muujinaysa halka uu ka yimid marti qaadkii ugu horeeyey ee helay, sidoo kalena waa mid muujinaysa in wali Djibouti tahay mid dalka Jamhuuriyada Somaliland lee yahay ‘Kaadi badane waa loo gogol badiyaa’ oo ah in loo miyiriyo siyaasada fog ee madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geeleh ka leeyahay qadiyada Somaliland.

Hase ahaatee booqashadii ugu horeysay mudane Madaxweyne Muuse Biixi dalka dibada uu ku tagey dalka Djibouti, sidoo kalena waxa ay muujinaysaa mudnaanta ay isa siinayaan labada dal ee Djibouti iyo Somaliland.

Maxay xambaarsanaan kartaa booqashada madaxweyne Muuse ee Djibouti?

Booqashada Madx. Muuse Biixi Cabdi ee Djibouti waa mid laba arimood xambaarsanaan karta:

Ta 1aad: Waa martiqaadkii ugu horeeyey ee uu dal ka helo oo uu ka jawaabay – ha kaba jawaabee waa mid muujin karta labada madaxweyne ee Ismaaciil Cumar Geele iyo Muuse Biixi Cabdi ilaa heerka uu yahay xidhiidhkoodu iyo in ay ka dhalato siyaasad togan oo Djibouti ay JSL ku qaabilayso

Ta 2aad: Booqashadani waxay ku eekaan kartaa mid ay ka soo baxaan erayo kooban oo kuwii hore ee aynu 27 sano ka maqlaynay Djibouti iyo Somaliland madaxdeeda – Xidhiidh wanaagsan, jaarnimo iyo walaalnimo iwm.

Ogow dalka Djibouti madaxweynaheedu waxa uu aad uga soo horjeedaa madax-banaanida JSL, xukumadiisuna waxa ay JSL kula dhaqantaa siyaasad farta ugu tilmaamto dhanka Xamar oo ay leedahay soo kala baxa iyaga haddana kama odayteeyo si daacad ah in dhan loo kala dhaco.

Su’aasha aynu ku soo koobi karno socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa – Salaan diiran maxaase xigidoona soo dhaweynta aadka u diiran ee ku kidkan meeqaamka ay dawlada Djibouti ku hayso Jam. Somaliland?

Jawaabtu ma foga, waana mid soo bixidoonta dhawaan, waayo doorkan madaxweynaha cusub ee JSL waa mid aad uga duwan kuwii ka horeeyey, mana ah mid qarin karaa siyaasada uu kala kulmo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geeleh.

Halkan hoose ka daawo bixitaankii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo qaabilaadii Djibouti.

 

COMMENTS