CABAYS.COM
Boqor Buurmadow oo damaanad lagu siidaayey – Maxaa xigi doona damaanada?
April 21, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media – (Hargeysa JSL) – Boqor Cusmaan Buurmadow ayaa damaanad lagu siidaayey maanta, sida ilo ku dhadhow booliska Somailand ay sheegeen. Damaanada ayaa Buurmadow la siiyey sida sharcigu u fasaxayo, waxaana ciidamada booliska Jam. Somaliland ay diyaarinayaan Gal-dacwadeed ku lid ah oo ka kooban qodobada loo adeegsaday xadhigiisa.

Boqor Buurmadow ayaa isaguna dhankiisa loo qabtay qareeno difaaca marka maxkamada la horkeeno isagoo xabsi dibada ka jooga. Damaanada Buurmwadow ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay fursadaha u banaan qofka lagu soo oogo dambe in uu damaanada ku jooji karo inta dacwada maxkamadeed lagu qaadayo haddii dambiga loo haystaa aanu ahayn dil iyo fal culus oo nabadgalyada qofka iyo bulshada wax u dhimayn damaanad ku joogu.

Boqor Buurmadow ayaa xadhigiisu yimid kadib markuu uu xaflad caleemo -saar uu kaga qaybgalay Puntland, kuna baaqay in ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay ka dagan yihiin deegaanka Tukaraq oo ah jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland.

Ma aha markii ugu horaysay ee Boqor Buurmadow la xidho, hase ahaatee mudo yar ka dib soo shaac bixiisii, xiligii xukumadii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal mar ayaa la xidhay, sidoo kale xukumadii UDUB ee Daahir Riyaale mar baa sidoo kale xabsiga la dhigay markii uu arimo siyaasadeed oo la xidhiidha Somaliland iyo Puntland dhexgalay.

Sanadkii 2011 kii ayaa sidoo kale madaxweyne Siilaanyo xabsiga dhigay ka dib markii uu ka horyimid xukumadiisa ee uu ku kacay falal lid ku ah qaran Jam. Somaliland. Hase ahaatee waa markii ugu horeysay ee isagoo la xidho hadana damaanad loo ogolaado.

Boqor Buurmadow ayaa bulshadu dareesan tahay in uu ka mid yahay kuwa ku dhex abuura naxliga ee had iyo goor ku hadla hadalo xajiimaysan oo bulshada iska horkeena. Xadhiga Buurmadow oo doorkan ayaa ah kii ugu soo jiidashada badanaa, iayadoo xiligan baraha balkulanka bulshada aad loogu qaadaa dhigayo.

La soco waxa ka soo kordha warka dacwada iyo damaanada Boqor Buurmadow.Boqor

 

Cabays Media Staff

Hargeysa- Jam. Somaliland

 

 

COMMENTS