CABAYS.COM
Brazil Iyo Argentine Oo Isku Haleeli Doona Semi-finalka Copa America
June 29, 2019 - Written by Cabays

Sao Paulo (Cabays Media)- Kadib markii uu xulka qaranka Argentina guusha ka gaadhay dhigiisa Venezuela waxay balan ka samaysteen marti galiyaasha tartanka Copa America ee Brazil waxaana ka soo baxay kulankii ay taageerayaasha kubbada cagtu ku riyoonayeen. Iyada oo waqti xaadirkan ayna jirin kulamadii badnaa ee horyaalada kooxuhu, waxay ugu danbayn taageerayaasha kubbada cagta aduunku heleen kulan daawasho u qalma oo soo noolayn doona xifiltankii waalida ahaa ee Brazil iyo Argentina.

Haddaba goormaa la ciyaari doonaa kulanka Super El Clasico ee Brazil iyo Argentina ee afar dhamaadka Copa America?

Kulanka Brazil iyo Argentina ee afar dhamaadka Copa America waxaa la ciyaari doonaa July 2 laakiin marka laga hadlayo waqtiga geeska Afrika iyo wadamada la midka ah ama barri ka xiga waxay noqon doontaa July 3 maadaama oo waqti danbe ay ciyaartu soo dhici doonto. Sidaa daraadeed, kulanka Brazil iyo Argentina waxa uu waqtiga geeska Afrika ku beegnaan doonaa July 3, marka ay saacadu tahay 3:30 habeenimo taas oo aad u adkayn karta fursadii ciyaartan lagu wada daawan kari lahaa. Waxayna ciyaarta Brazil iyo Argentina ka dhigi doontaa Belo Horizonte gaar ahaan garoonka  Estádio Governador Magalhães halkaas oo noqon doonta goobta ay labadan xul ugu soo kala bixi doonaan finalka Copa America. Xulka Brazil ayaa afar dhamaadka Copa America soo gaadhay kadib markii ay rekoodhayaal ku garaaceen toban ciyaartoy oo Paraguay ah waxayna ku soo baxeen qaab aan laga filayn maadaama oo Paraguay ay 10 ciyaartoy ahaayeen waqti aad u dheer. Laakiin Argentina oo labadii kulan ee Copa America ugu horeeyay dhibaato wayn la soo kulantay ayaa kulankii Venezuela sare u soo qaaday naftooda waxayna hadda wajihi doonaan imtixaankii ugu adkaa si ay finalka Copa America markii saddexaad oo xidhiidh ah u hiigsan karaan.

COMMENTS