CABAYS.COM
Burco: Booliska Oo Xidhay Dad Hawl-gallo Lagu Soo Qabtay
September 12, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –   Taliyaha ciidammada Booliska ee gobolka Togdheer Gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in  ay xidheen shan qof oo laga shakisan yahay.

Taliyuhu waxaa uu sheegay in shantan qof lagu soo qabtay hawlgalo ciidammada Booliska ee gobolka Togdheer ay wadeen habeenadii ugu danbeeyay, “Dad ayaanu soo qabanay baadhitaankii ayaa socda kana hor dhicimaayo baadhitaanka, odhanamaayo waxaasi ayaa jira dadka aanu tiradoodu waxay dhan tahay shan qof, dadka imika waxaa aanu ku raad joogna asal raacoodi.”

 

 

Cabays news.com

COMMENTS