CABAYS.COM
Cabdimaalik Muuse Coldoon maxa lagu xidhay – Halkan ka akhri sobobta dhabta ah & halka lagu hayo
January 19, 2019 - Written by Cabays

Cabays Media ( Jigjiga- Somali State)  Xogogaal u noqosho Shabakada Cabays Media ku samaysay sobobta keentay in wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon la xidho isagoo magaalada Gaashaamo ka waday ururinta xogta dhabta ah ee gumaadkii sanadkii 2016-kii loogu geystay dad shacbi ah oo degaan deegaanka Jaamac Dubad, ayaa waxa cataaday sobobta rasmiga ah ee loo xidhay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ay qabteen ciidanka Liyiu Booliis.

Ujeedada Xadhiga Cabdimaalik Coldoon:

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo hore si ba’an uga hadlay gudaamkii ciidamada Liyuu Booliis ee Deegaanka Soomaaliada Itoobiya, isla markaana in badan u dooday dadka ku dhibanaa nidaamkii xukunkii Cabdi Iley ee la riday, waxa uu Coldoon u qornaa cadow-ga koobaad ee ay ku taamayeen in ciidamadaas Liyuu Booliis gacanta ku dhigaan mar uun. Hore markii uu ka hadli jiray tacadiyada dadka DDSI lagu hayo waxa Ciidamada Liyu Boolis dhawr jeer ka dalbadeen xukumada Somaliland in loo soo gacan galiyo isagoo ay ku eedaynayaan in uu taageero Jabhadii ONLF-ta, hase ahaatee Somaliland taa wey ka diiday, Coldoona si xor ah ayuu magaalada Burco uga soo ogudbin jiray dhacdooyinka lagu haye dadka shacabka ah ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hase ahaatee Coldoon oo is yidhi ka faa’iidayso isbadalka ka dhacay DSSI , ayaa u baxay deegaankaas, halkaas oo uu madaxda cusub ee deegaanku ku soo dhaweeyeen, isla markaana uu booqday meelo badan oo deegaankaas ka mid ah. Waxase Cabdimaalik ka talaabay khadkii ay doonayeen in uu ku eekaado, kaas oo ah in uu ka waramo in wixii dhacay la iska saamaxay, isla markaana laga waramin dhacdooyinkii ka dhacay deegaanka oo ay ka mid tahay Dagmada Gaashaamo oo hayb ahaan aanay dagin qabiilka madaxweynihii hore ee Ilay iyo  kan cusub ee Mustafe Cagjar.

Shalay abaaro subaxdii isagoo u diyaar garoobay in uu halkaa ka sii wado wareysiyo badan oo uu ka qaday dadka deegaanka oo dhinac walba leh iyo barnaamij iftiiminaya sidii gumaadka looga geystay Jaamac Dubad ee deegaanka Gaashaamo, ayaa waxa lagu wargaliyey in aanu arinkaa ku dhaqaaqin oo aan la ogolayn in laga waramo, dadkii ehelka ay ahaayeen kuwii la gumaadayna aan laga waraysan karin waxba. Talaabadan oo lagu sheegay in isa saamaxaadi dhacday oo wixii hore u dhacay cid loo raaci karin.

Arintan isa saamaxaada oo ah mid deegaanka Caro Ogaadeen, sida Qabri-Dahare, Goday iyo Dhagaxbuur dadka degan laga dhex abuurayo maadaama madaxweynihii hore ee DDSI , Cabdi Ilay ka soo jeeday labad raas oo Ogaadeen oo loo aanaynayey in ay laayeen kuwa madaxweynaha cusub ee Mustafe Cumar, taas oo lagu khasbayo guud ahaanba dadka deegaanka in ay saamaxaad qaataan.

Ogolaansho la’aan la sheegay in uu Cabdimaalik Degmada Gaashaamo ku tagey isagoo aan haysan ogolaansho uu wax ku wareysto ama muuqaalo ku qaado iyo in uu fikir ahaan aamisanayn in deegaanka DDSI ka sii mid ahaan noqdo dalka Itoobiya oo uu u ololeeyo in Itoobiya ka madaxbanaanato, ayaa loogu gabaday xadhiga Coldoon, isla markaana waxa lagu qabtay isla amar ka soo baxay sarkaalka ugu sareeya Liyuu Booliiska oo ah nin hore madax uga ahaa ciidamadaas xiligii gumaadka laga geystay Degamada Gaashaamo sanadki i2016-kii.

Sidoo kale dawlada Abiy Axmed ayaa ka qabta aragti xun Coldoon oo ay u arkaan nin duminaya Itobiya, kadib markii uu dood ka qaybqaatay taas oo lagu falanqaynayey mustaqbalka Deegaanka Soomaaliad Itoobiya, oo uu Coldoon doodaa ku sheegay in aan dadka laga qaadin afti in ay Itoobiyaan yihiin iyo in kale, taas oo loo arkay in uu yahay afhayeenka kooxa ONLF oo hore loogu eedeeyey in uu yahay nin u ololeeya.

Hase ahaatee dadka deegaanada Hawd ee dhanka waqooyi ee DDSI oo ay ka mid tahay Degmada Gaashaamo ayaan iyagu ogolayn in sidaa aayar la yidhaa ha la saamaxo dadkii falalka xun heystay, iyadoo waliba ay qaarkood madax ka yihiin ciimamada Liyu Booliiska, xadhiga Coldoona waa mid lagu dadayo in la helo xogo dhab ah oo ku saabsan sidii uu u dhacay gumaadku iyo cidii geysatay.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo qaar ka mid ah bulshada deegaanka Hawd iyo Reserve Area ee ku sugan magaalada Jigjiga, kuwaas oo qaarkod madax deegaanka ah iyo ganacsato,  isku dayeen in ay ogaadeena halka uu ku xidhan yahay iyo cida rasmiga ah ee xidhay, ayaa Cabays  Media u sheegay in shalay oo bishu ahayd 18 la xidhay isagoo ku gudo jira hawlo macluumaad ururin ah, isla markaana ciidamada Liyuu Boolis markii ay qabteen u gudbiyeen kuwo Federaal ah. isla markaana uu ka baxay gacanta dawlada DDSI .

Coldoon ayaa ah nin aan haysan wax waraaqo dhalasho ah oo deegaanka DDSI, inkastoo u aamisna yahay in aanu jirin wax xuduud Soomaali kala leedahay, hase ahaatee waxa la eegaama in dalka uu ku dhashay ee Somaliland ka daba tagto xadhigiisa si loo soo daayo.

Coldoon ayaa  intii aan la xidhi ka hor wax uu boggiisa FB soo dhiga sawiro (eeg xaga hoose ka eeg sawirada) uu ku muujinayo cida la shaqaynaysa ee la socota dhanka wariyenimada. waana fariintii iyo sawiradii ugu dambeeyey ee uu soo galiyey.

La soco warar Coldoon oo aad halkan ka heli doontaan.

Wariye Axmed MS

Jigjiga- DDSI

cm3 cm5 Coldoon cl1 CM Coldoon cm2

 

 

 

COMMENTS