CABAYS.COM
Chelsea Oo La Xaraashayo, Qiimaha Lagu Kala Iibsanayo, Daymaha Ciidda Ka Badan Ee Lagu Leeyahay Iyo Waqtigii Abramovic Oo Soo Dhamaanaya
April 15, 2019 - Written by Cabays

Mulkiilaha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la sheegay inuu wada-hadallo la yeeshay saddex dhinac oo kala duwan, kuwaas oo doonaya inay iibsadaan naadigiisa.

Maalqabeenka u dhashay waddanka Ruushka oo tan iyo markii uu sannadkii 2003 iibsaday ka dhigay Chelsea koox awood badan oo marar badan ku guuleysatay horyaalka Premier League iyo Champions League ayaa waxa uu hadda doonayaa inuu soo afjaro waqtigii mulkiyaddiisa ee kooxda reer Ingiriis.

Warku wuxuu sheegay in toddobaadkii u dambeeyey uu wada-hadallo la yeeshay saddex dhinac oo midkood tahay shirkad Carab ah oo la tuhunsan yahay inay yihiin qoyska Amiirada Qatar ee iska leh PSG.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, ninka Ruushka u dhashay ayaa sii wadi doona inuu kooxda lacag badan geliyo oo uu dib u dhiso illaa inta laga iibsanayo, laakiin waxa  dhibaato ku ah daymo badan oo kooxda ku maqan oo lagu qiyaasay £1.25 bilyan oo ay ku leedahay shirkadda ay mataanaha yihiin ee uu Abramovic iska leeyahy.

Maalqabeen u dhashay waddanka Maraykanka, Ninka ugu taajirsan Britain ee Jim Tatcliffe iyo dhinac saddexaad oo Carab ah ayaa la sheegay inay la kulmeen Abrahomovic, balse waxa la tilmaamay in Ratcliffe uu yahay ninka ugu horreeya ee u  dhow inuu la wareego Chelsea.

Blues oo waqtigu ku xun yahay, isla markaana shalay guul-darro weyn kala kulantay Liverpool oo ay Anfield ugu tagtay, ayaa waxay kusii siqaysaa inay waji kale yeelato oo mulkiyaddeeda isbeddel ku dhaco.

Abramovic ayaa la sheegay in uu ugu dambayn go’aansaday inuu iska iibiyo kooxdiisa kaddib markii loo diiday in la siiyo Visaha dal-mugalka Ingiriiska.

W/Q: Abdiwahab Cabeeye

COMMENTS