CABAYS.COM
Cidhiidhiga Wadooyinka Hargeysa Oo Sababay In Qaar Ka Mid Wasiiradu Kala Hagaan Gaadiidka
June 12, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(BW) Cidhiidhiga wadooyinka gaadiidka ee magaalada hargeysa ayaa aad u badatay maalmahan u danbeyey  tan oo galab kale oo gadiidka iska kala goosha gudaham magaalada hargeysa ay la kulmayaan cidhiihd midkii ugu badnaa, taas oo sabab u noqotay in masuuliyiin sare oo ka tiresan xukuumada ay ka degaan gadiidkooda isla markaana kala hagaan gadiidka madax iskula jira,wasiir ku xigeenka amniga iyo gudoomiyaha gobolka maroodijeex ayaa  ka mid ahaa masuulyiinta maanta kala hagayey isla markaana taagnaa qaybo ka mid ah wadooyinka hargeysa si ay u kala hagaan gadiidka

” Jaamka magaaladu aad iyo aad buu u culus yahay dariiqan hadii laga dhigay one way kan dhakhtarka dhiniciisa mara waa in labadiisi wado ee is waydaarka ahaa loo soo celiyaa ” mid ka mid ah dadka ku xanibnaa wadada ayaa sidaasi u sheegay Horn cable Tv

mid kale oo ka mid ah dadka ku jiray jidkan ayaa isna yidhi ” ilaa madaxtooyada waxaan soo socday laba saac markaa dadka waxay ku qaadataa waqti badan 10 liter ee shidaalka ah hadad hal mar wadada ku marto way kaa dhamanaysaa saamayn badan oo xaga shaqada ahna waa nagu yeeshay

xiliyada ramadaanta magaalada hargeysa waxay noqotaa mid cidhiidh ah dad iyo gadiidba  iyadoo lagu wada mashquulsan yahay iibsashada dharka ciida oo xiliydan oo kale si weyn looga diyaar garobo magaalada hargeysa, ciidamada ilaalada wadooyinka caasimada ayaa iyaguna ku mashquulsan kala hagida gadiidka oo si weyn magaalada  looga dareemoyo cidhiidh  waana ta sababtay in masuuliyiinta dawllada qaarkood ay  qabtaan shaqada ciidanka ilaalada wadooyinka

Halkan Hoose Ka Daawo Muqaalka

COMMENTS