CABAYS.COM
Cod Kalsooni ah oo loo qaaday Theresa May iyo faaqidaada VOA iyo Suxufi C/laahi Maxamed Cali
December 13, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (London) – Raysalwasaaraha Dalka Britain, Theresa May oo ay u qaadeen xisbigeelu cod kalsooni ah oo lagu doonayey in lagu hubiyo kalsoonida lagu qabo hogaaminteeda.

Codkan oo dhacay fiidkii habeenimadii Khamiistu soo galaysay ee xalay ayaa waxa wax laga weydiiyey Cabdilaahi Maxamed Cali oo ka tirsan saxafiyiinta degan London.

Sahra Ciidle Nuur oo ka tirsan idaacada Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ee dalka Maraykanka ayaa su’aalo ka weydiisay Cabdilaahi codkaas oo ay wareysigan ka dib ku baxday 200 oo cod halka 117 cod diideen hogaaminteeda, taas oo ka dhigaysa in ay ku heshay cod kalsooni ah 83 cod.

Halkan hoose ka dhageyso faaqidaada codkii loo qaaday Theresa May oo Wariye Sahra Ciidle Nuur la yeelatay Wariye Cabdillahi Maxamed Cali.

Sahra & CMC

COMMENTS