CABAYS.COM
Daawo Dacwada Abwaan Abdiraxman Abees mid ay is-shabahaan ee xiligii Taliskii Siyaad Barre
February 19, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Meidia (London- UK) –  Dacwada Xeer-ilaalintii Qaranka JSL ku soo oogay Abwaan Cabdiraxman Abees,  waxa ay u cuskatay qodobo ay maxkamada u gudbisey oo ah laba qodob oo aan inagu cubayn noocoodu, balse aynu hore u soo maqalnay nooca dacwada iyo habka maxkamadayntu.

Qodobadu waa

1. Aflagaaddo Dawladeed
2. Aflagaaddo Bilays

Xeer -ilaalintu waxa ay labadaas qodobo-dacwadeed u cuskatay gabaygii uu Cabdiraxmaan tiriyey 11/01/2019 oo beydad si xulasho ah looga soo qaatay., (si jajab ah).

Dacwadee ayey mashaashaa tan Abw. Abee?

Waxa mucjiso ah 1dii bishii 1aad ee sanadkii 1979lii Allah u naxariistii Abwaan Cali Xasan Aadan, Cali-Banfas ayaa gabay tiriyey la yidhaa Raamaale. Sida uu abwaanku iigu sheegay wareysi aan kaqaaday sandakii 2013kii oo London yimid, waxa uu gabaygiisaa Raamaale ku cabiray aragtidiisii ku aadanayd taliskii Maxamed Siyaad Barre iyo dareenkii uu ka qaatay dhacdooyinkii ooganaa.

Sida Abwaan Abees, waxa Abwaan Cali Banfas maxkamada lagu keenay dacwada ku salaysan eraydii gabaygiisii Raamaale.

AUN. Abwaan Banfas waxa uu igu yidhi “…..Waxay soo qorteen gabaygii oo kii Xeer-ilaaliyuhu jajabinayo ayaan arkay, markaasaan idhi anigaa akhriyayee ha la ii ogolaado gabaygii…..” Hadda waa maxkamadii dhaxdeedii!

Abwaan Bafas waxa uu yidhi oo kale “…markii aan laba bayd marinayo ayey iga joojiyeen, markii ay iga joojiyeen ayaan idhi kan kalaba dhageyso baan idhi….”

Gabaygii Gudgude ayuu maxkamada ka dhex tiriyey, hase ahaatee markuu dhexda marinayo ayey ka joojiyeen, laakiin intay guri Indina Line isla tageen ayey ka duubteen, kadibna 10 sano ayaa la ixukumay oo jeelka Madheera la i dhigay, inkastoo aanu dhamaysan.

Ilaa hadda dacwada Xeer-ilaalintu waa mid qaabka u diyaarisay eeda ee Abw. Abees ku soo oogeen shabahaysa tii abwaan Cali Banfas oo ka mid ahaa abwaandi sida wayn u diiday in uu cabudhiyo Taliskii Ina Siyaad.

Waxa iyadna isweydiine: Xeer-ilaalintu ma baadhay saldhigii uu gabayga ku soo qaaday, ma baadheen dhacdooyinkii Abw, Abees cabiray, mise aayar ayey sidaa Abw. Cali Banfas gabaygiisii uun dambi ka dhigeen?

Eeg nuqulka Gal-dacwadeedka iyo qisada uu Abwaan Banfas ka sheekeeyey – waaba tii Banfas oo kale!!!

Halkana ka daawo dacwadii Abwaan Banfas oo maanta la masalo ah ta Abwaan Abees.

COMMENTS