CABAYS.COM
Daawo Madaxweynaha JSL oo kormeeray goobihii duufaanku ku dhiftay- sawiro cajiib ah
May 24, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa -JSL) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubn xukumadiisa ah, ayaa socdaal ay ku indho indhaynayaan xaaladda deegaannadii ay ku dhufteen roobabkii dabaylaha watay ee ay keentay dufaanihii Cyclone Sagar ee khasaaraha weyn gaadhsiiyey deegaanada xeebaha Somaliland ku tegay maanta. ku maray meelo kala duwan iyagoo raacay diyaaradaha ay dawlada Imaaraadku ugu soo gurmatay JSL.

mdx saylac33

Madaxweynaha iyo xubno wehelinaya oo ay ka mid yihiin taliyeyaal ka tirsan ciidamada kala duwan ee dalka, xubno golaha wasiirrada kamid ah iyo siyaasiyiin kale, ayaa waxa socdaalkiisa uu ugu kuurgelayo baaxadda khasaaraha deegaannada xeebta ka dhacday uu ku tegay deegaannada Saylac, Caasha-caddo, Lughaya iyo Gargaara Bari oo roobabkii dabaylaha watay ay khasaare ballaadhan gaadhsiiyeen, isaga oo indhihiisa kusoo arkay xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta, islamarkaana shacabka deegaannadaas ku dhaqanna u jeediyey hadal uu kula wadaagayo dariinkiisa la xidhiidha xaaladda taagan iyo sida ay xukumadu ugu damqanayso.

mdx saylac7

 

Socdaalka uu guur-galka ah ee uu madaxweynuhu deegaannadan ku tegay, ayaa waxa garab socday diyaarado mucaawimooyin sida oo noocyo kala duwan oo gargaar ah gaadhsiinaya dadka ku dhaqan deegaannadaas, kuwaas aad ugu baahan kaalmooyinka la gaadhsiiyey.

mdx saylac28

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalo u jeediyey dadki ka badbaaday masiibada ayaa u sheegay in si xawli ah u socdo gurmadku, Somaliland-na isu wada gurmanayso, isaga oo aad u xusay hiilka iyo taageerada muuqata ee ay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka Carabtu ka geysteen gurmadka lagu samoto-bixinayo dadkii ku waxyeelloobay roobabkii dabaylaha watay ee xeebaha dalka ka da’ay.

Waxaanu dadkii uu la hadlay ku yidhi “Maanta waxan ogahay inay Somaliland min lawyo-caddo ilaa Badhan inay gurmad ku jirto oo ay qoys kaliya oo isu wada damqanaya tahay oo ay soo wada eegayso dhibaatada maanta dhacday, Somaliland way isu gurmanaysaa, waxaana ay leedahay saaxiibo badan, saaxiibkaa iyo nin waliba inta uu kuu jiro marka ay dhibaato dhacdo ayaa la arkaa, Jabuuti iyo Carabtuba waad arkaysaan inay cidda inoogu soo horraysay ee inoo soo gurmatay inay yihiin”

mdx saylac37

Madaxweynuhu, waxa uu bulshada deegaannadaas la wadaagay inuu madaxweyne ahaan xil gaar ah iska saaray sidii loo badbaadin lahaa dadka ay masiibadu sida gaarka ah u taabatay, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay wiil dhallinyaro ah oo qoyskiisii daadadku qaadeen, isagana uu qaranku noloshiisa dammaanad qaaday, “Waxa jira qoys dhawr iyo toban qof ahaa oo wiil yari ka hadhay, wiilkaasna waanu doonaynaa, haddii reerkoodii baxayna qarankiisii baa jooga, xilkuna qaranka ayuu saaran yahay, markaa wiilkaasi inuu na raaco ayaanu doonaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

mdx saylac20

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay weerarrada fulaynimada ah iyo gardarrada qaawan ee maamulka Majeerteeniya kusoo qaaday ciidamada qaranka ee fadhiya xuduudaha bari ee dalka, isaga oo gardarradaasna bar-bar dhigay caawimadda walaaltinimada leh ee dalka Jabuuti inala garab taagan yahay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Inaga oo hawshaas gurmadka ku jirna oo ay Ramadaan tahay oo dadka wixii aynu wax isu nahay inoo gurmanayaan waxa war ah in labada Soomaaliyeed ee dhinacyada inaga xiga oo midi Jabuuti yahay uu gurmad iyo naf-qaybsi inoo keenayo, ka xagga Bari inaga xigaana uu saaka weerar inagu soo qaaday, taasina ay wax Bani’aadam-nimada ka baxsan tahay in bil Ramadaan dad gurmad ku jira lasoo weeraro.”

mdx saylac25

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay inay gacanna ku kaalmayso dadkeeda duufaannadu aafeeyeen, gacanta kalena ciiddeedda iyo calankeeda ku difaacayso, “Waxanu u sheegaynaa Somaliland horumarkeeda way difaacaysaa horena way u soconaysaa, Somaliland dagaal uma jeeddee nabad bay u jeeddaa, Somaliland gurmadkeedana way wadaysaa dagaalka cadowgana way iska difaacaysaa, Somaliland way dabbaal degaysaa maalmaheedda ciidaha sida munaasibadda 18-ka May oo kale ah iyo ciidaha Islaamka oo kale, Iskuulladeedu way furnaanayaan, Cusbitaalladeedu way korayaan, dadku wuu shaqaysanayaa, dalkana waanu difaacaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

mdx saylac26

Hadalkan madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya wakhti ay Maamulka Puntland weeraro ku soo qaadanayaan Somaliland, xili ay Somaliland ku jirtay laba marxaladood oo kala duwan iyadoo dagaalkii koowaad ku soo qaaday 15-May oo la xusayey 18-May, halka ay maantana ku soo beegeen wakhti ay xeebaha Somaliland ku dhufatay Duufaan saamayn balaadhan ku reebtay dadkii ku dhaqnaa deegaamadaasi xeebta iyadoo gurmad loogu jiro.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si ballaadhan ugu mahadceliyey dalka Imaaraadka Carabta iyo dhammaanba dalalkii gacanta ka geystay u gargaaridda bulshada ku tabaalowday roobabkii dabaylaha watay ee dhawaan ka da’ay xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa waqtigan diyaarka u ah inay kaalmo cusub geystaan.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu shahaado sharafyo guddoonsiiyey hawl-wadeenadii iyo shaqaalihii diyaaradaha imaaraadka carabta ee u soo gurmaday samato bixinta dadkii ku waxyeeloobay duufaantii masiibada ku riday qoysas tiro badan oo dad iyo xoolaha ku ku tabaaloobay masiibadaasi.

mdx saylac1

mdx saylac36

mdx saylac6

mdx saylac5

mdx saylac4

mdx saylac35mdx saylac34

mdx saylac3  mdx saylac32mdx saylac31mdx saylac30mdx saylac29  mdx saylac27  mdx saylac24mdx saylac23mdx saylac22mdx saylac21  mdx saylac17mdx saylac16mdx saylac15mdx saylac14mdx saylac13mdx saylac12mdx saylac11mdx saylac10mdx saylac9

mdx saylac40mdx saylac39mdx saylac38      mdx saylac8

 

COMMENTS