CABAYS.COM
Daawo Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey furitaanka Library
December 9, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:- Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad koban ka jeediyey furitaanka Rugta Buugaagya ee Qaranka Somaliland oo si kadis ah maalmihii ugu dambeeyey la sheegay in loogu magac darayo.

Xaflada furitaanka Somaliland National Library ayaa lagu maamuusay in uu furo, maadaama loogu magac daray madaxweyne Siilaanyo. Rayiga in madaxweyne Siilaanyo loogu magac daro ayaan hore loo sii sheegin mudadii uu socday dhismaha rugta Library-ga oo ay bulshada Somaliland 5tii sano ee la soo dhaafay la xarbiyeysay dhismihiisa.
Dhulka laga dhisay Rugta Buugaagta ee Somaliland ayaa madaxweyne Siilaanyo bixiyey, hase ahaatee kharashka ku baxaya ayaa la sheegay in sidii la doonayey xukumadu uga qayb- qaadan. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gudoomiyaha, ahna aas aasaha Rugta Buugaata Qaranka, Axmed Daahir Cilmi uu dareemay cadaadis la saaray in uu ogolaado in madaxweyne Siilaany loogu magac daro rugta, ka sokow xukumada oo ka cago-jiiday bixinta wixii lacag ah ee ay ahayd in ku darto dhismaha .

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka khudbadii uu madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey.

Siilaanyoo

COMMENTS