CABAYS.COM
Daawo wareysi Wakiilka JSL ee UK oo su’aalo la weydiiyey si adag uga jawaabay
December 4, 2019 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media (London – UK) – Wakiilka cusub ee loo soo magacaabay dalka UK, Cabdi Cabdilaahi oo hore u ahaa Gudoomiyaha Xafiiska Qurbejooga oo ku yaal Hargeysa mudo afar sano ah, ayaa xilkii la wareegay maalintii fiidnimadii Axdii ee labadii bishan Diisambar. Kulan lagu qabtay xafiiska Wakiilka JSL ee UK oo ay xilka kula kala wareegayeen Ayaan Maaxamuud Cashuur oo xilkaas hore u haysay mudo saddex sano ah iyo Cabdi Cabdilaahi oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo magacaabay, ayaa waxa halkaa ka hadlay dad kala duwan oo soo dhaweeyey xil wareejinta, iyagoo qaarna muujiyeen sida ay uga xun yihiin in la badalo Ayaan Cashuur.

Haddaba wariye Cabdilaahi Maxamed Cali ayaa wareysi kooban oo uu la yeeshay wakiilka cusub weydiiyey in magacaabistiisu tahay mid marka laga qiyaas qaato xafiiskii uu hore u fadhiyey ee Qurbejooga in uu xilkan wakiilnimo uu u qalmo.

Halkan hoose ka daawo.

COMMENTS