CABAYS.COM
Dhegeyso – Niciima Qorane: oo la wareystay soo daynteedii kadib – “Weli Waxaan Aaminsanahay Soomaalinimada”
May 7, 2018 - Written by Cabays

Cabays

Cabays Media – (Muqdisho- Soomaaliya) – Mudo dhowr bilood ah kadib waxaa maanta xurriyadeedii dib u heshay Naciimo Abwaan Qorane oo ah Gabar dhalinyaro Abwaanad ah,isla markaana caanka ah Baraha Bulshada dhawaana Maxkamada Hargeysa ay ku xukuntay Xabsi Saddex Sano ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku siidaayay cafis Madaxweyne,waxana Caawa Wareysi ay siiyey Radio Dalsan oo laga lee yahay dalka Soomaaliya, kuwaas oo Naciima aad ugu ololeeyey xilgii ay xidhnayd.#ku faah faahisay qorshihii loo xidhay iyo go’aankeeda xiga maadaama haatan ay xor tahay oo la siidayey.

Waxa ay sheegtay in Xabsigii ay ku xidhneyd uu ahaa mid aan wanagsaneyn oo duruufo badan ay ku heysteen intii ay xirneyd oo aheyd Saddex bilood iyo 12 Cisho laakin ay dadaal badan bixiyeen Waalidiinteeda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed sidii loosiideyn lahaa.

Radio Dalsan Oo Wax Ka Waydiisay kiiskii lagu soo eedeeyey ee sababtay in loo xidho kadibna loo xukumay waxa ayna ku jawaabtay.

 

—— Halkan Ka Daawo—————

 

COMMENTS