CABAYS.COM
Dabkii Daarta Grenfell ee London oo uu gurigiis ka bilaabmay nin Itoobiyaan ah
June 16, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media: Dabdkii qabsaday daarta dheer ee ay ku noolaayeen dad lagu qiyaasay ilaa lix boqol oo qof ee la yidhaa Grenfell Tower ee magaalada London ayaa la sheegay in uu ka bilaabmay dabku guri uu ku jiray nin dhalashadiisu tahay Itoobiyaan oo la yidhaa Behailu Kebede oo uu dabku qabsaday talaagada ama qaboojisada u taalay madbakha ama kijada. Habeenimadii ay Arbacadu soo galaysay qiyaastii 12L50 ayaa qabku ka holcay madbikhii ninka Itoobiyaanka ah oo isla markiiba qoaylo kaga dayaamiyey, isla markaana ku garaacay albaabada dhamaanba jaarkiisa.

Behailu: Ninka dambku gurigiis ka bilaabmay

“Waxa uu ku dhawaaqayey waa dab waa dab, kabaxaay, ka baxaay” Isagoo cod dheer ky yeedhinaya, sida ay saxafad u sheegtay Maraym Adam oo ah haweenay 4 jir ah oo ka mid ahayd dadkii uu dabaqa 4aad ee daarta Grenfell ee badbku ka bilaabmay ka badbaaday markii uu ninka Itoobiyaanka ahi ku garaacay albaabkeeda.

 

Behailu Kebede ayaa la sheegay in uu intii uu ka baxayey daarta uu dabaqyada hoose isagoo qaylinaya albaabada ku tumay si uu u badbaadiyo dadka  maadaama dabku xawaare sare ku faafayyey ilaa dusha sare iyo guryaha la dabaqa ah gurigii uu dabku ka bilaabmay.

Muslimiinta dadkiidii ku dhinteen

Muslimiinta dadkiidii ku dhinteen

Behailu Kebede ayaa la sheegay in booliska London wareysteen si ay u ogaadaan sida uu dabkan oo ilaa hadda la sheegay in ay ku dhinteen 30 qof, lagana cabsi qabo in tiradu boqol kor u dhaafto. Hase ahaate boolisku wax dacwad ah kuma soo oogin, maadaama ay talaagadi ku qaraxday.

Dhanka kale safiirka dalka Itoobiya u fadhiya magaalada London oo idaacadaha UK u waramay ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed asal ahaan Itooboyaan ahi ku jiraan dadka laga baqayo in ay ku dhinteen dabka Grenfell Tower.

“Ilaa inta aanu ognahay waxa la laa yahay ilaa siddeed qof oo ay ka mid tahay xubin shaqaalaha safaarada ka mid ah dumaashideed, markaa dabkani wuu na saameeyey” Sidaa wax yidhi Ambaasador  Hailemichael Afework Aberra  oo TV BBC 24 u waramay.

Ninka isaga uu gurigiisu dabku ka bilaabmnay oo ayaa la sheegay in uu ahaatan isku buuqay oo ay saamayn ku yeelatay saamanytii badku.

Dadka ugu badan ee ku dhintay dabka nayaa u badan Muslimiin, siiba Carab. Dawlada hoose ee xaalda Kensinton & Chelsea ee ka masuulka ah ayaa maalintii Jimcihii maanta banaanbax weyn ku sameeyeen dadki ka badbaaday dabka, dadkii deganaa iyo ehelkii dadka dabka wax ku noqday iyo bulshada xaafada.

Tirada dadka ku dhimatay ayaa ilaa hadda la xaqiijiyeye in ya gaadheen soddo, waxase laga cabsi qabaa in ay gaadho ilaa iyo boqol qof.

Dhanka kale ilaa hadda lama sheegin dad Soomaali ah oo wax ku noqday dabka daarta Grenfell, hase haatee waxa ka baxay baxay Mahad Cigaal oo qaba gabadh Biritish ah, oo la sheegay in uu ka soo jeedo Somaliland, isla markaana uu albaabka ku soo garaacay ninka uu dabku ka bilaabmay gurigiisu.

La soco wixii ka soo kordha warkan naxdinta leh

 

COMMENTS