CABAYS.COM
Dagaal culus oo Waabarigii hore ee saakay ka qarxay deegaanka Tuka-raq
May 24, 2018 - Written by Cabays

Dagaal culus oo leysku adeegsanayo hubka waaweyn ee madaafiicda iyo kuwa lidka diyaaradaha ayaa mar kale saaka  ka qarxay deegaanka Tuka Raq ee gobolka Sool.

Sida Warbaahinta u xaqiijiyeen dad ku dhowdhow degaanada lagu herdamayo ayaa sheegaya in dagaalkan uu mar kale ka dhax Qarxay ciidamada Somaliland iyo Puntland.

“Waxaa ka bilaawday deegaanka dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland, waxaana maalmahan la hadal hayey in dagaal labaad oo meeshan ka dhaci doono, illaa hada 40 daqiiqo waa socotaa in ay sii xoogaysato maahaane ma yaraanayso” sidaa waxaa telefoonka noogu sheegay Saleebaan Maxamuud oo jooga Boocame oo ilaa 15Km dhinac koonfur bari kaga quman halka dagaalku kadhacayo.

COMMENTS