CABAYS.COM
Dagaal sobobay Wasiirka Cadaalada Jam Somaliland oo ka horjoogsaday wasiirka Waxbarashada Puntland iyo khasaaraha dagaalka oo la shaaciyey
May 21, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Gobolka Sanaag- JSL) – Wararka ka imanaya deenaakna Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag, siiba dhanka bariga gobolkaasi ayaa sheegaya in ciidamada Jam. Somaliland iyo kuwa maamulka Punland uu iska horimaad ku dhexmaray deegaanka Dhamala Cagara oo ka tirsan oo u dhow magaalada Badhan.

Dagaalkan oo la sheegay in uu khasaare dhimasho ahi ka dhashay ayaa dhacay ka dib markii wasiirka waxbarashada maamulka maamulka Puntland, Cabdullahi Maxamed Xasan uu isku dayey inuu socdaal ku yimaado deegaanka Carmala oo ka tirsan gobolka Badhan oo uu wakhtigaas ku sugnaa wasiirka cadaalada Jam. Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi.

Cadaalad

Wasiirka Cadaalada JSL oo Badhan ku sugan

 

 

 

 

 

 

 

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arimaha gudaha maamulka Puntland Muuse Deeq Soomajeeste ayaa shaaciyey khasaare ciidanka Puntland ka soo gaadhay dagaal deegaanka Dhamala Cagare ku dhexmaray ciidamada Qaranka Jam Somaliland “Sadex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen kuwaas oo maamulka Puntland ka dhintay, dhinaca kalana dhaawacyo iyo maydad badan ayaa laga sheegayaa.”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee maamulka Puntland oo la hadlay idaacada la iska arko ee Bulsho TV.

La soco warkan wixii ka soo kordha.

COMMENTS