CABAYS.COM
Dawlad Imaaraadka oo kaga jawaabtay marti qaad madaxweynaha Somaliland hadalkii xukumada Soomaaliya
March 13, 2018 - Written by Cabays

 

 

 

 

 

 

 

Cabays

 

Cabays Media: Sida ilo ku dhadhow dawlada Imaaraadka ay u sheegeen wargeyska Gulf Times hadalakii shalay ka soo yeedhay baarlamanka amaankiisa ay ilaaliyaan ciidamad shisheeye ee AMISON ee Soomaaliya ee ay ku madnuuceen shirkad DP World ayaa aad uga cadhaysiisay madaxda DP World iyo hogaanka dalka Imaaraadka. Qodobkii baarlamanka ay mariyeen shalay oo ahaa mid indho la’aan xubnaha baarlamanka Soomaaliya u diyaariyeen, una ansixiyeen ayaa abuuray jawi cusub oo Somaliland u faa’iido ah, kaas oo keenay in xukumada Imaaraadku qaadato siyaasad cusub oo ay wax kaga badalayso qaabkii hoore ee ay dawlad Farmaajo ula macaamiilaysay iyo ka soo dhawaansho cusub oo ay talaabo u qaaday dhanka Somaliland.

Dawlada Imaaraadka oo ka ficil qaadanaysa xeerkii ay shalay soo saareen baarlanka aanay dadku toos u soo dooran ee dawlada federaalka Somaliya, ayaa wax ay marti qaad heerkiisu sareeyo u fidisay madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka diyaarad khaas ah oo ay u soo direen ugu ambo baxay dalka Imaaraadk.

Sodaalka Madaxwyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu heerkiisu ka sareeyo socdaaladii hore ee madaxwyeneyaasha Jamhuuriayd Somaliland ugu tageen hore.

Madaxweyne Muuse ayaa la sheegay in ay ka wada hadlayaan aromo lafdhabar jab ku ah xukumada magasan ciidamada shisheeye ee AMISON ee haddana isku badhi taaraysa in ay carqaladayso heshiiska shirkada DP World, Jam Somaliland iyo dawlada fefderaalka Itoobiya.

Booqashada Madaxweyne Muuse Biixi ee Imaaraadka ayaa waxa ku wehelinayey qaar ka mid ah golahiisa wasiirada , siiba wasiirada Qorshanta Qaranka Somaliland, Wasiirka Bihaya iyo  xubno kale. Waftiga madaxwyne Muuse Biixi Cabdi ee Imaaraadka ayaa muujinaya wadajirka Somaliland, isagoo waftigiisa ka koobay wasiirada Bariga, Galbeedka iyo badhtamaha Somaliland kuwo ka soo jeeda.

Socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu ku riday arbush xukumada Farmaajo, iyadoo sidoo kalena ayna garanayn sida ay u fulin doonaan xeerka baarlamanka Soomaaliya iska soo saaray ee aanu eegin meel markisa.

Halkan hoose ka eeg sawirada waftiga madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

La soco wixii ka soo kordha warar socdaalka madaxwyen Muuse Biixi Cabdi.

musbixi safar4

 

musbixi safar1

musbixi safar2

 

musbixi safar7

musbixi safar6

 

Halkan ka daawo video-ga socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

COMMENTS