CABAYS.COM
Dawladda Itoobiya Oo Liiska Dalalka Caalamka Ee Safiirradu U Joogaan Ku Dartay Somaliland
May 29, 2019 - Written by Cabays

Addis Ababa (Cabays Media)- Kadib xidhiidh muddo dheer ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxa saacadihii la soo dhaafay mar kale soo baxaya hadal badan oo la xidhiidha markii ay soo baxday in dawladda Itoobiya ay Boggeeda Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku dartay Liiska dalalka ay Diblomaasiyiinteed ka hawl galaan ee dunida.

Liiska Diblomaasiyiinta dalkaasi Itoobiya u jooga dalalka dibadda ayay wasaaradda Arrimaha dibaddu boggeeda Rasmiga ah ku dartay iyada oo ku xustay qunsulkeeda u fadhiya Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland.

Arrintan oo markii dad badani ka fal celiyeen warbaahinta Online-ka ah ee Soomaalidana siyaalo kala duwan looga hadal hayay saacadihii ugu dambeeyey waxa ay ku soo beegmaysaa dhawaan uun markii ay dawladda Itoobiya qiratay in isla boggan wasaaradda Khaarajiga ku baahisay Khariidadda Muuqaalka Afrika oo meesha lagaga saaray dalka Soomaaliyada iyada oo khariidaddii Soomaaliya lagu daray dhul-weynaha waddanka Itoobiya arrintaasi oo ka cadhaysiisay dadka Soomaaliya.

“Run ahaantii waxaan aad uga xunnahay jahwareerka iyo faham la’aanta ka dhashay dhacdadaas” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo aan si cad loogu beenin lagagana muujin wax jixinjix ah oo ku aaddan muranka ay arrintaasi dhalisay.

Khariidaddaas hore ayaa meesha ka saaraysay Soomaaliya, balse waxaa la soo reebay Jamhuuriyadda Somaliland oo sannadkii 1991-kii si rasmi ah ugu dhawaaqday inay gooni ula soo noqotay Madaxbannaanideedii ay Soomaaliya kula midawday sannadkii 1960-kii.

Illaa imika wax hadal ahi kama soo bixin maamulka dawladda Soomaaliya ee Muqdisho fadhigeedu yahay.

Halkan Ka Eeg Liiska Somiland Ku Jirto:

61225772_10156895377599475_4019570063085404160_n

_107114348_5bdc0257-4e55-484a-8dff-65b3a677c897

COMMENTS