CABAYS.COM
Dawllada Imaraatka Oo Hawada Ka Saartay Visaha Somaliya Kuna Bedeshay Somaliland
April 23, 2018 - Written by Cabays

Dubai(Cabays Media)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UAE ayaa websitekeeda laga codsado E-Visa waxay ka saartay Somalia iyada oo ku bedeshay Republic of Somaliland. Toddobaadkan ayaa Dad ku galeen Imaaraadka Somaliland Passport. Waxaana dhawaan shaacisay in ay Visa ku soo saarayo Passport-ka Somaliland shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia ee Imaaraadka.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa isa soo tarayay warar ku saabsan in dawladda Imaaraadku joojinayso sharciyada dadka u dhashay Soomaaliya, islamarkaana aanay u cusboonaysiin doonin ciqaamadaha kadib markii labada dal uu soo kala dhexgalay khilaaf culus oo dhanka diblamaasiyadda ah.

Imaaraadka iyo Somalia ayaa isku jiidhay markii Muqdisho goosatay in ay dhexdhexaad ka ahaanayo khilaafka xulufadda Sucuudiga iyo Qadar. Waxa kale oo arrinta sii kululeeyay cilaaqaadka Abu Dubai la yeelatay Somaliland waxaana meeshii ugu xumayd gaadhsiiyay diyaarad sidday 10 milyan oo dollar oo Imaaraadku leeyahay oo Muqdisho qabsatay taas oo soo afjartay xidhiidhka labada dhinac.

COMMENTS