CABAYS.COM
Degdeg: Abwaan Saxardiid Jabiye Oo Ka Mid Ahaa Tiirarka Fanka Soomaalida Oo Saaka Hargeysa Ku Geeriyooday
June 15, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)- Rabbi Ha U Naxariistee Abwaankii weynaa ee caanka ahaa Saxardiid Aw-Maxamuud Cilmi (Jebiye) oo ka mid ahaa abwaaniinta reer Somaliland kuwooda ugu magaca weyn taariikh weyna ku lahaa Fanka Soomaaliyeed waxa uu saaka ku geeriyooday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Abwaan Saxardiid Aw-Maxamuud Cilmi (Jebiye) oo in muddo ahba ku xanuusanayay caasimadda Hargeysa waxa uu safka hore kaga jiray xubnaha fara ku tiriska ah ee dhidibada u taagay Fanka Soomaaliyeed isaga oo xubin ka mid ahaa raggii aasaasay walaalaha Hargeysa oo ahaa dhimbiishii ugu horraysay ee Fanka Casriga ah ee Soomaalida.

Abwaan Saxardiid Aw-Maxamuud Cilmi (Jebiye) waxa lagu xasuustaa heesaha caan baxay ee uu sameeyey kuwii xornimo doonta iyo raadintii Gobonimada markii Ingiriisku fadhiyay geyiga Somaliland waxaanu si gaar ah ugu suntan yahay suugaantii laga qaaday habeenkii xornimada ee Somaliland calanka ka qaadatay Ingiriiska 26-kii Juun 1960-kii.

“Aan Maalno Hasheena Maandeeq” iyo suugaan kale ayaa ah kuwa aan dhagaha dadka wali ka bixin ee Abwaan Saxardiid Aw-Maxamuud Cilmi (Jebiye) curiyay.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Rabbi Marxuumka u naxariisto dhammaan umadda reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidana samir haka siiyo. taariikhdiisa waxa aynu ku eegi doonaa qoraalo kale oo aan shabakadda Cabays Idiinku soo gudbin doono.

Halkan Ka Dhagayso Abwaanka Oo BBC-da Wakhti Hore Uga Warramayay Taariikhdiisa:

 

COMMENTS