CABAYS.COM
Dhalinyaro dawlada Farmaajo u qaaday Eritrea oo la laayahay & warar sheegaya in lagu shubay dagaalka Tigray ka socda
January 18, 2021 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( Wararka oogaan) – Waxa soo baxaya warar sheegaya in dhalinayro ka badan sagaal boqol oo Soomaali ah oo laga soo ururiyey badi deegaanada ay degto beesha Hawiye , inastoo ay ku jiraan kuwo laga keenay deegaamo kale, ay dhalinayradaasi badi ku le’deen dagaalka goboka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kadib markii si khasab iyo khayaamo ah loogu qaaday dhanka Tigray, halkaas oo ay ka mid noqdeen ciidamo weerar ka soo qaaday dhanka Eritrea oo taageerayey kuwa Itoobiya.

Sida wararku sheegayaan, dhalinayaradan oo markii hore ee Xamar la iskugu keenay intii aan loo qaadin magaalada Asmara ee ceeasimada Eritrea, waxa loo sheegay in la geynayo dalka Qadar oo lagu soo tobo barayo. Hase ahaatee markii loo qaaday Eritrea in halkaas xero la galiyey, mudo bilo ahna halkaa tobobaro ciidan oo adag lagu siinayey. Markii raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ku dhawaaqay in uu dagaal ku qaadayo uu kaga jawaabayo weerar ay ciidamo Tigray ahi ku qaadeen xerada ugu weyn ciidamada Itoobiya oo ku taal waqooyiga gobolka Tigray, ayaa la sheegay in uu gurmad ciidan weydiistay madaxweynaha Eritrea, Afewerki, kadibna ciidamadii dhalinayrada Soomaalida ee tobobarka dhamaystay la sheegay in la raaciyey ciidamo Eritrean ah oo gurmad u noqday kuwii Itoobiya ee ay ku dagaalamayeen gobolka Tigray.

 

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin tirada saxda ah ee dawlada Farmaajo geysay Eritrea, hase ahaatee waxa soo baxaya waalidiinta ka cabanaya war la’aanta ubadkoodii laga qaaday oo markii ugu dambaysay loo sheegay in Eritrea lagu soo tobo barayo. Sidoo kale waxa soo baxay liiska magacyada qaar la sheegay in ay ka mid yihiin dhalinyarada laga qaaday gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug, kuwaas oo lagu faafiyey baraha bukshada magacyadiida iyo beelaha ay ka soo jeedaan oo lagu sheegay Beesha Habar Giddir, ee beel weynta Hawiye.

 

Dhinaca kale saxaafada Tigray -ga ee taageerta TPLF ayaa sheegtay in ciimdamo Soomaaliya laga keenay ay qab ka noqdeen dagaalka Togray, kuwaas oo ay ku sheegeen in dhanka Eritrea ka yimaadeen, isla markaana waxna ay nolosha ku qabteen waxna ay laa yeen. Inkastoo aan la cadayn karin warkaa in uu xaqiiq yahay, maadaama gobolka Tigray ay ka soo baxayaan warar is khilaafsan.

SOMArm

Qiyaastii tiro gaadhaysa sagaal bolqol oo dhalinayro qoomiyad ahaan Sooamali ah oo dawlada FDS ee uu hogaamiyi Maxamed C/;aahi Farmaajo u dirtay dalka Eritrea si loogu tobo baro ayaa la sheegay in ugu yaraan nus ka mid ah la galiyey dagaalka Tigray, badina ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawac u yaal dalka Eritrea.
 
Sida ay warinayaan wakaaladaha wararka dagaalka Tigray ka waramayaa iyo qaar ka mid ah qoyska inamadoodii loo qaaday dalka Eritrea, waxa isla bishii 11 ee sanadkii hore ee uu dagaalku bilaabmay dabka la saaray dhalinyaradii Soomaalida, kuwaas oo afka looga galiyey ciidamada Tigray-ga ee difaaca kaga jiray dhanka waqooyi ee gobolka Tigray, siiba xuduuda ay la leeyihiin Eritrea.
 
Waxase tiro kale oo Soomaali ah oo ku sugan Asmara , kuwaas oo madaxweyne Farmaajo doonayey in todobaadkii hore lagu soo celiyo Muqdisho, hase ahaatee madaxweynaha Eritrea ay dawlada Maraykanku uga digtay dirida ciidamadaas isla markaana loo sheegay Afewerki in aanu dirin ciidamadaas oo laga cabsi qabo in magaalada Muqdisho la keeno oo ay xukumada Farmaajo adeegsato iyadoo muquuminaysa mucaaridka ka soo horjeeda ee ku sugan Muqdisho oo iyagna la sheegay in ciidamo iyo hub urursi weyn ay ku jiraan.
far2
 
Tirada ciidamad hore loo geeyey Eritrea ee Soomaalida ah, ayaa la sheegay in ay ka soo kala jeedaan deegaamo ka mid ah, DDSI, Somalia iyo Somaliland. Dhanka Somaliland waxa la sheegay in ay u badan yihiin deegaanka Buuhoodle, halka Somalia ay u badan yihiin Gobolada Dhexe iyo Bay iyo Bakool.
 
Dawlada Farmaaji afkay ayey ka xidhatay in ay ka hadasho halka ay ku dambeeyeen dhalinyaradii ay u dirtay Eritrea oo markii hore lagu soo ururiyey iyadoo loo sheegay in dalka Qadar lagu soo tobo barayo, balse Eritrea uun laga dejiyey.
La soco warkan waxa ka soo kordha.
COMMENTS