CABAYS.COM
Dhaqanadii hore ee Soomaalida Reer Guuraaga ah: ‘Kuugu Dhiigiyaa Loogu Dhiijiya’
December 20, 2014 - Written by Cabays

Cabays.com (Hiddo-raac noloshii baadiyaha)  Waa qiso sheegaysa oday geel badan lahaa oo caano geel mee uu ku kala liso waayey, xaaskiisii 1aad oo ilaahay sidoo kale ka siiyey curado wiilal ah oo toban geel jire wada ah oo dareeriya saddex kadino oo geel ah oo aanay cidi kale lahayn. Nimco waliba nusqaanteed’e,  odaygii waxa uu isku qaaday in uu minyareeyo. Wuxu dayey raasaskii hareerihiisa iyo reerihii yaalay degalka, hase ahaatee reer fog oo loogu sheegay in geelu kud ka galay, oo dhawr halaad u soo hadheen, kuwaaas oo dagalka ka qoran in ay caydh  yihiin, ayuu u garab-caraabay isagoo uga danle in uu reerka habeenka u haydo. Gaadh reerkii,  lana soo dhawee, odaygii muraadkiisii buu sheegtay, innan (gashaanti) da’yar oo qiyaastii la da’a ah wiilashiisa ka 7aad oo goor dambe baaluqay, gaadhayna xili guurka mar kaasuun,  ayaa la siiyey, yarad ma sidee, kadinn geel ah ayuu isku ogyahay. Sidii uu odaygu jeclaa ayey u dhacday, hase haatee yartu ma oga,waxna lagama weydiin odayga la siiyey. Reerku waa geel doon, gashaanti guriga u sii joogtana ma jecla, habaar ayey u arkaanba!

 

Dhaqan

Geel jirre isku tuntay oo wali guur doon ah!

Habeenkii odaygii iyo intii raaska ka ag dhaweyd ee arinka u dawyeysatay loo qal wixii wanan ahaa ee xerda reerka ka dhaqaaqayey, lagu soor yee hilib solay ah, habeenkii islaab doc macan oo saan l’aad loogu golay, ood qudhac ahna lagu ooday oo dabaysha iyo dhaxanta celinaya, loo shid bab uu sheeda ka arki karo libaax wixii halkaa ka dhow, oo aanu ku soo dhici karin.  Isla laab madax iyoo mijo, isagoo hangoolkii sii iyo kabihiisii barkan, meeshu waa miyi, mana jiro barkin iyo gogol raaxo reer magaal tirsado. Habeen qucdur ah oo cirku nin xidigayaa ka seexan oo ciro muujiyey awrkii kirca gal odaygii hurdo dheer oo si nagi ah uu u gam’ay. Waasan ayaa u baryey maalintii dilaacaday, hal geela oo reerka ku dheer oo Cabays la yidhaa oo aad u caano badan ayaa gorof buuxa looga lisay, waase oday weyn oo ma wada heemin karo, waxaana ka caawiyey martidii arinki xalay u dhacay jees aan ka fogayn uga yimid oo xalay ardaaga la seexday si ay ugu wehelyeelaan. Goor ay barqo tahay, halihii reerku halaa, in ido ahayd iyo dhawr neef oo lo’ ah oo reerka u aduun ahaa, ayaa lagu kala qaybsamay.

Hooyadii inanta dhashay oo aan cidi waxba ka weydiin bixinta inanteed la siiyey oday weyn oo cad-ceed casar joogta ah, ayaa iyadu walaasheed oo nin inan la yaal ahi qabay ay dhaankii u wada raray meelo haro biyo leh oo aan sidaa jeeska uga fogayn ku yaal, hase ahaatee waxa reerka lagaga tagey in ay sii soohdo maydhax hooyadeed xadhig hogaan ah ugu samaynaysay awr qooqan oo reerku lahaa inantii odayga la siiyey. Waa fursad gashaantidii odayga la siiyey  ay ku aragto odayga. Gashaantidu waa mid isku tumatay in ay aragto odaygii xalay la siiyeyna waaba arin aanay ku dhiiran, hoosta waxa ay ku hugmaysaa iydoo maydhaxdii radinaysa, Alla oday gunti gaaban gayaankay miyaa, geel jirahaan guyaal u feedhanaayey, galabta ma la i weydaarshay!

 

La soco qayba dambe

COMMENTS