CABAYS.COM
Dhismaha xukumada MBC iyo shir-doceedyo saamayn ku leh – Yaa shiraya?
November 27, 2017 - Written by Cabays


Cabays

 

Cabays Media: Ilaa iyo markii si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijadii doorashada madaxtooyada JSL ee dhacday 13kii bisha kow iyo tobnaad ee sanadkan 2017ka, waxa bilaabmay olole cusub oo badalay kii loolanka xisbiyada iyo murankii natiijda doorashada.

Madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi oo ah masuulka la caaleema saaray ee hogaaminaya xukumada cusub oo uu soo dhiso, taas oo uu la wadaagayo hogaankeeda madaxweyne-xigeenka dib loo doortay C/raxman Ismaaciil Saylici, ayaa haatan culayskii madaxtooyadu durba kula kowsaday shirar wada-tashi iyo baaraan-deg ah oo xiliyo iyo goobo kala duwan ku yeeshay maalmihii  ugu dambeeyey.

Muse Shot

Guriga madaxweynaha la doortay, ka kuxigeenka iyo huteelada waa weyn  ee ku kala yaal Sheedaha iyo Masalaha ee Ambassador Hotel iyo Maansoor ayaa kulana bulshada ka dahsoon ay ku yeesheen xubno kala duwan oo garnaqsi iyo guubaabo ula yimid madaxweynaha cusub. Kulanadan waxa ka mid ah mid ka dhacay habeen hore (Habeenkii Axdu soo galaysay) guriga madaxweyne ku xigeenka , C/raxman Sayici, waxaana sida ay ii xaqiijiyeen ilo ku dhadhawo guriga madaxweyne-xegeenku, waxa gurigaas ka dhacay kulan ay fool-ka fool u yeesheen Prof. Axmed Ismail Samatar, Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo xubno aad muhiim u ah oo uu madaxweynaha la doortaay talo iyo soo jeedimo hanaanka xukumada uu bulshadda Somaliland uga wada muujin lahaa iyo sidii uu u soo dhisi lahaa dawlada tayo leh oo aad uga tiro yar tan wakhtigeedii dhamaaday ee uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo.

“Kulanka labada borofosoor iyo madaxweynaha la doortay waxay aad uga wada hadleen nooca dawladnimo iyo sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa xukumada kooban oo ay haddna iska wada dhex arkaan”

Sidaa waxa Cabays Media u sheegay xubin aad ula socday kulanka ka dhacay guriga madaxweyne xigeenka JSL oo wax ka tilmaamay nooca kulanku ahaa.

“Waxay isla eegeen sidii ay dowlada kooban oo xubno muhiim ah ka kooban loo dhisi lahaa, oo waliba xilal muhiim ah oo inta badan aanay helin beelaha darafyadu doorkan bal xagooga lagu dayo” Ayuu ku daray xubinta ka warantay kulanka ka dhacay guriga madaxweynaha ee dhexmaray labada borofoseer ee Axmed Ismail Samatar iyo Cali Khaliif Gakaydh.

“Prof Samatar waxa uu u soo jeediyey madaxweynaha la doortay in aanu cidna u joojin ee uu go’aamo adag ka qaato dawladnimada” Sidaa waxa yidhi xubin aad ugu dhow Prof. Samatar oo aan wax ka weydiinay arimaha uu soo jeediyey Prof, Samatar.

Waxa wararku intaa ku darayaan in kulanka ay ku weheliyeen xubno sumcad ku leh bulshada oo talo ka bixin kulanka loogu yeedhay, inakstoo aan la sheegin tiradooda, haddana waxa la filayaa in aaanay badnayn tiradu, kulankuna uu ahaa mid xubno tiradoodu kooban tahay.

Sida ilaha u waramay Cabays Media tibaaxayaan waxa kulanka lagu soo qaaday xilalka ay ka mid ka yihiin Maaliyada, Ariamaha Dibada iyo Qorshaynta Qaranka.

Sida wararka hoose aanu ku helayno waxa madaxweynaha la doortay xilalka kor ku xusan u igmandoonaa masuuliyiin ka soo kala jeeda gobolada Awdal oo Wasiirka Maaliyadu noqon doono iyo Wasiirka Arimaha Dibada oo uu noqondoona masuul Reer Sool ah, inskatoo aan la sheegin magacyada, haddana raga ugu dhow dhanka Awdal waa C/rashiid Xasan Mataan, haddii uu isag noqon waayana waxa suurto gal ah inay noqoto Yusur Abraar oo ah haweenay Reer Awdal ahoo aqoon buuxda u leh maaraynta arimaha maaloyada iyo bangiyada.

Dhanka Wasiirka Ariamah Dibada ee loo eegayo in uu noqodo masuul Reer Sool ah, ayaan cadayn cida uu noqon doono. Hase haatee waxa ilaha ku dhadhow kulankaa ka dhacay guriga Madaxweyne- xigeenka JSL, labada borofosoor ee kulanka la qaatay madaxweynaha la doortay, iyagu kuma jiraan liistada xilalka kor ku xusan ama kuwa kale la filayo in ay aqbalaan, waxayse haatan ku jiraan kaalin talo iyo tilaamis madaxweynaha la doortay ee laga filayo in uu soo dhiso dawlad tayo leh.

Dhanka kale maanta ayaa waxa madaaxweynaha la doortay uu kulan kula yeeshay xubno muhiim ah oo ka soo jeeda beesha uu ku abtirsado musharaxii xisbiiga Waddani, huteelka Ambassador, halkaas oo kulanka ka dhacay ku qotomay is-uur-xaadhasho iyo isdhageysi si yaabaha ay u wada shaqayn karaan madaxweynaha ladoortay iyo bulshada wax-ka tabanaysa natiijadii doorashada ee taageersanayd xisbiga Waddani.

Madaxweynaha la doortay ayaa aad ugu mashquul ah talo urursi iyo ka fikir go’aano tijaabo ku aha hogaankiisa iyo kowsiga xukumada uu soo dhiso oo muujin doona nooca hogaameed ee laga filan karo.

Kulana iyo wada xaajoodka shaqsiyaad, xubno odayo ah iyo siyaasiyiin kala duwan oo dhamaan xilal doon ah ayaa socda oo waliba la filayaa in ay socdaan ilaa maalinta ku dhawaaqista xukumada cusub oo la sheegay in gole wasiiro oo aan lahayn ku xigeen iyo agaasimeyaal marka lagu dhawaaqo, waxaana ilo ku dhadhow madaxweynaha cusubi sheegayaan in uu go’aansaday in uu dhiso gole wasiiro ah marka hore, balse aanu ku deg degin xulista agaasimeyaasha iwm.

La soco warbixin aan kaga hadli doono wasiirada xukumada Siilaanyo ka soo hadhaya iyo kuwa la fasaxayo.

Cabays Media

Hargeysa, Somaliland

 

COMMENTS