CABAYS.COM
Diyaarad laga leeyahay Imaaraadka oo lagu xayiray Boosaaso,Maxaa laga helay,Maxaase lagu qoonsaday
April 14, 2018 - Written by Cabays

Cabays

Cabays Media (Hargeysa, JSL)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso ee Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso halkaa ku xayireen diyaarad laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Dad ku sugan Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in loo diiday diyaaradaha in ay ka duusho garoonka kadib markii ay diideen saraakiishii la socotay diyaarada in la baadho ka hor inta ayna duulin.

Warka arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Is afgaranwaa ayaa dhex maray ilaalada garoonka iyo dadkii raaci lahaa diyaarada waxaana weli xayiran diyaaradaasi kadib markii ay ka madax adaygeen saraakiisha Imaaraadka Carabtu in la baadho boorsooyinka iyo waxyaalaha kale ee ay wateen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo la xidhiidha xayiraada diyaaradan loo geystey.

2018414636592881020744319diyaa

Garoonka Boosaaso

Dhanka kale wararka ku saabsan diyaradan Boosaaso lagu xayiray ayaa sheegaya in sidoo kale qalab iyo agab ay hore u lahaayeen tobobarayaal Imaaraadka Carabtu oo tobo barayayey ciidamada Puntland sidoo kale loo diiday in ay dib ugala noqdaan dalkoodii, laguna amray in aanay saarin diyaarada qalabkaas oo agab ciidan ahaa. Arintaan ayaa iyadna la sheegay in ay keentay muran iyo in loo diido in diyaaradaasi ka kacdo garoonka Boosaaso.

Talaabadan ay qaadeen ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa imanaya xili Axadii ina dhaaftay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu qabtay diyaarad siday lacag dhan $ 9.600.000 (Sagaal milyan iyo Lix boqol oo Kun oo dollar) oo ka timid dalka iskutaga Imaaraadka Carabta.

Khilaafka dawlada Imaaraadka iyo dawlada Soomaaliya ayaa xawli ku socda, talaabadan Boosaaso ee xayiyaarada diyaarada ay Puntland kaga baxayeen saraakiil ciidan tobobarta oo Imaaraati ahi waxa ay sii kodhinaysaa khilaafka iyo kala fogaan shaha dawlada Farmaajo iyo Imaaraadka oo uu saamayn ku yeeshay dagaalka xulifaysiga ee Bariga Dhexe ee u dhexeeya wadamad Khaliijka.

La soco wixii ka soo kordha wararkan

Cabays Media

Hargeysa, JSL

COMMENTS