CABAYS.COM
Donald Trump Oo Shaaciyey Inuu Kim Jong-un Kula Kulmi Doono Xuudka Labada Kuuriyood
June 29, 2019 - Written by Cabays

Seoul (Cabays Media)- Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay waxa uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ku marti qaaday soohdinta militariga ka caaggan ee u dhexaysa Kuuriyada Waqooyi iyo ta Koonfureed. Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago Kuuriyada Koonfureed kaddib marka uu dhammaado shir madaxeedka G20 ee ka dhacaya dalka Japan.

Magaalada Seoul ayuu tagayaa maanta oo Sabti ah halkaas oo ay uga bilaabanayso labo maalmood oo booqasho ah oo loo golleeyahay sidii loo dhammaystiri lahaa heshiiska baabi’inta hubka nuclearka ee Kuuriyada Waqooyi.

Sida muuqata, Mr Trump ayaa martiqaad aan laga dalban u sameeyey Mr Kim. Mar uu ka hadlayey shir madaxeedka G20 ee ka dhacaya magaalada Osaka, ayaa Mr Trump waxa uu bixiyey faahfaahin kooban, asagoo warfidiyeenada u sheegay in subaxa Sabtida ah uu doonayo in salaam uu ugu tago oo ay is arkaan Mr Kim. “Haddii uu halkaas yimaado, waxaan is arki doonnaa labo daqiiqo uun waana arrin wanaagsan taasi,” ayuu yidhi. Marka uu hadalkaas leeyahay waxa uu ka qayb galayey quraac uu la lahaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga Mohammad Bin Salman. Hadalkan ayaa kasoo baxay kaddib markii uu wadahadallo muhiim ah oo ku saabsan dagaalka ganacsiga la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Wali ma cadda in masuuliyiinta la socda Mr Trump horay loogu wargeliyey arrinta ku saabsan talo soo jeedinta ku aaddan kulanka uu la yeelanayo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi. Mr Trump ayaa bishii November ee sannadkii 2017-kii horay isugu dayey in uu booqasho lama filaan ah ku tago xudduudda hubka ka caaggan ee kala qaybisa labada Kuuriya, balse waxaa lagu khasbay in uu qorshehaas ka laabto cimilada oo xumayd awgeed.

COMMENTS