CABAYS.COM
Dood Furan: Musharax Muuse Biixi Cabdi ma lagula xisaabtami karaa wixii ka kharibmay xukumada Axmed Siilaanyo?
October 5, 2017 - Written by Cabays

Cabays

Dood furan:  Saddexda musharax ee madaxweyne u ordaya doorashada Jam. Somaliland ee sanadkan 2017 dhamaantood waxay ahaayeen kuwo dibada ka ah xukumadii 7da sano hogaanka dalka haysay, waa xukumada uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xulkii uu doortay ee wasiirada iwm ka koobnaa, Xukumadaasi waa mid dabcan ka soo baxday xisbigii Kulmiye ee doorashada ku guulaystay sanadkii 2010-kii.

Hase ahaatee waxa jirta dood ay qabaan aqoon yahano badan iyo dadka xisbiga Kulmiye ka baxsan ee taageera musharax Muuse Biixi Cabdi, doodaa oo sheegaysa in musharaxa xisbiga Kulmiye madaxweynenimada u sharaxan ee Muuse Biixi Cabdi aanu eed ku lahayn wixii khaldamay, sida iibka hantidii qaran ee xukumada Siilaanyo ku lumay iyo wixii musuqmaasuq ah ee dhacay mudadii uu madaxweyne Siilaanyo hagayey qarankan JSL.

Dhanka kale waxa jira in xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID iyo inta taageerta oo ay ku jiraan aqoon yahano ay sheegaan in wixii eedo ah xukumada Siilaanyo ay leedahay uu sidoo kale lee yahay musharaxa madaxweynaha Kulmiye ee doorkan, sobobtu waa isku xisbiga Kulmiye.

Haddaba anigoo ujeedada aan qoraalkan u soo dhajiyey ay tahay in bal dadku si hufan uga doodaan labadaa aragtiyoo, si aynu iskula meel dhigno aragtida loo badan yahay ama loo badan karo.

Aan ku daree sida uu sheegay musharaxa xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, “waxa sharaxani ma aha saddex xisbi, ee waa 6 musharax oo la kala dooranayo”, sidaa awgeed 6-da musharax xukumadii Fulintii ee dawlada aan ka mid ahayn ayaa sharaxan. Markaa maadaama dhanka xisbiga Waddani ku jiraan xubno wasiiradii xukumada Siilaanyo ka mid ahaa iyo gudoomiyihii ugu mudada dheer ee Golaha Wakiilada oo musharax Cirro ah.

Fadlan si hufan doodaad u dhiibo, noo sheegna magaalada ama dalka aad joogto ee aad aragtida ka soo dhiibanayso.

Wixii qoraalo ah ku soo hagaaji  ciwaanka editor@cabays.com

 

Kulmiye Khalad

 

Afeef: Qoraalkani ma aha mid ujeedo intaa ka badan mid wata, mana aha mid ku xumaynaya hadba dhankii sifo khaldan u qaata in ay iyaga loola jeedo. Waase eegis aragtiyaha kala duwan.

COMMENTS