CABAYS.COM
Dowladda Britain oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Soomaaliya Waa Maxay Sababtu
June 14, 2018 - Written by Cabays

Wasaaradda  Arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa soo saaray digniin ku socta muwaadiniintooda in ay u safraan Soomaaliya iyo deegaanada Somaliland, iyadoo loogu baaqay muwaadiniinta ku sugan inay ka soo baxaan.

War lagu daabacay Bogga Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo barwaaqo sooranka ayaa waxaa lagu wargeliyay Muwaadiniinta Britain inay ka taxadaraan goobaha dadka isugu yimaadaan, si looga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara. isla markaana ay si degdeg ah uga tagaan goobaha bulshada ku badan tahay.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in 14 bishii October ee sanadkii hore uu ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho qarax weyn oo ahaa kii ugu cuslaa ee Argagixisada ka geysato Soomaaliya, kaasoo sababay dhimasha in ka badan 300 oo ruux iyo dhaawaca boqolaal kale.

Weerarada Argagixisada ayaa la sheegay inay noqon karaan kuwo aan kala sooc laheyn oo ay ku jiraan meelaha dadka ku badan yihiin, goobaha muhiimada leh ee ay tagana saraakiisha dowladda iyo meelaha ajaaniibta booqdaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay jiraan qatar kale oo ka imaan karta Baddaha, gaar ahaan biyaha caalamiga ama Gacanka Cadan iyo Badweynta Hindiya oo ay burcad badeedka ka fuliso weeraro afduub ah.

Ma ahan markii u horeysay ee dalalka reer galbeedka ay uga digaan Muwaadiniintooda inay u safraan Soomaaliya.

COMMENTS