CABAYS.COM
Dowladda Canada ayaa xayiraad ku soo rogtay saraakiil u dhalatay Sucuudiga
November 30, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Canada ayaa lagu sheegay inay xayiri doonaan hantida shakhsiyaadkaasi u taala dalka Canada.

Dowladda dalkaasi ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaasi laga hor istaagi doono inay soo galaan Canada.

Canada ayaa ku biirtay dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Fransiiska, Mareykanka iyo Jarmalka oo sheegay in iyagu na ay xayiraado ku soo rogi doonaan dadka lagu helo inay ka dambeyeen dilka Jamaal Khaashuqji.

Xayiraaddan ayaa timid, xilli hogaamiyeyaasha caalamka oo uu ka mid yahay Amiirka dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ay ku kulmayaan shirka G 20 ee ka dhacaya dalka Argentina.

Hase yeshee, liiska magacyada 17-ka qof ee ay shaacisay dowladda Canada ee lagu soo rogayo xayiraada ayaa waxaanan ku jirin Maxamed Bin Salmaan.

“Dilkii Jmaal Khaashuqji wuxuu ahaa naceyb ka dhan ah in qofka uu si xor ah u soo bandhigo fikirkiisa” waxaa sidaasi lagu sheegay qoraalkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Canada.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay dib u eegis ku sameeneyso hubka ay ka iibiso dowladda Sucuudiga, kuwii mas’uulka ka ahaa dilka Jamaal Khaashuqji na la horkeeno cadaaladda.

Dalalka caalamka ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbanaan lagu smaeeyo dilkii Khaashuqji.

Dowladda Sacuudiga ayaa dilka wariyaha ku edeesay kooxo aanan amar ku shaqeynin, waxaana ay beenisay warraka sheegaya in Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka wariyaha.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku soo warrantay in hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay rumeesantahay in Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka wariyaha, inkastoo madaxweynaha dalkaasi, Donald Trump uu beeniyay arrintaasi, isagoo na sheegay in CIA-da aysan go’aamin cidda dishay wariyaha.

COMMENTS