CABAYS.COM
Dowladda Itoobiya oo markii ugu horeysay madaxweyne Dumar ah yeelatay
October 26, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media(Hargaysa-JSL)Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay Haweenay u doortay in ay noqoto madaxweynaha dalka Itoobiya, xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya oo kalfadhi yeeshay ayaa doortay Sahlework Zewdie oo si weyn looga yaqaano Itoobiya.

Arritan ayaa timid ka dib markii ay isla xildhibaannadu codsigii is casilaadda ka aqbaleen madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome.

Dowladda Itoobiya ayaa isbadallo waa wayn oo siyaasadeed samaynaysay bilihii u dambeeyay tan iyo intii uu xilka la wareegay ra’iisulwasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Axmed.

Abiy ayaa horumar wayn ka sameeyay dhanka ka qayb galka dumarka.

Isla bishaan ayuu isbadal wayn ku sameeyay golahiisa wasiirrada 50% ayuuna dumar ka dhigay.

COMMENTS