CABAYS.COM
Dowladda Soomaaliya Oo Lagu Eedeeyay In Aanay Ilaalinin Xaquuqda Aadanaha
July 6, 2018 - Written by Cabays

Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay hareer martay Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, islaamrakana ay jiraan Xadgudubyo loo geystay dad Shacab ah intii ay jirtay dowladaan hadda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka gaartay heerkii ugu hooseeyay Xoriyatul Qowlka, Waxaana Baarlamaanku uu sheegay in ay jirto Caburin lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo dad kalaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay ilaaliso Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana hadii ay dhici weyso taa ay ka fiirsan doonaan taageeradda la siiyo Soomaaliya, iyagoo si deg deg ah ugu baaqay in la saxo qaladaadka jira.

Sidoo kale Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa eedeeyay maamul goboleedyadda in ay geysteen Xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo ay ugu horreyso Caburinta Wariyaasha.

COMMENTS