CABAYS.COM
Duufaanno Culus Oo Mar Kale Ku Soo Socda Xeebaha Soomaalida
May 25, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa- JSL)  Urur Goboleeedka IGAD ayaa ka digay duufaanno kusoo fool-leh xeebaha maamul Goboleedka Puntland ee Somaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD ayaa digniin ka bixisay waxa ay ku tilmaantay xaaladda isa sii taraysa ee duufaanno ka soo kacaya gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.

Khuburada ku xeeldheer saadaasha hawada iyo cimilada ee xarunta saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman abbaaraha 26ka May 2018 oo berrito ah.

Qaybo ka mid ah duufaannadan ayaa oo ay la socdaan daruuro iyo roob ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD, iyadoo wadarta biyaha roobabkaasi lagu qiyaasay 30 mm.

Dad ku dhow 50 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkan horraantiisii ku dhuftay Jam. Somailand gaar ahaan gobolada Awdal iyo Salal.

 

dufaano

 

 

 

 

 

Haddii duufaaahani ku dhuftaan maamul goboleedka Puntland waxa adag sida ay ugu gurmadaan dadka ay saamayso, iyadoo Puntland xaalad adag oo dagaal la gashay Jam. Somaliland, awoodii dawladeed ee ay lahaayeena iskugu geeyeen colaada gobolka Sool deegaano ka mid ah ay isk udayeyaan in ay xoog kula wareegaan.

COMMENTS