CABAYS.COM
Duuliye Si Cajiib Ah Diyaarad U Dejiyay Markii Ay Cilladi Ku Timid
May 13, 2019 - Written by Cabays
Tangon (Cabays Media)- Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh, markii ay cilad soo wajahdey diyaarad rakaab oo uu waday, wuxuu sameeyay in diyaaradda uu ku dejiyay garoon diyaaradeed iyadoo ay u bixi waayeen lugaha hore ee diyaarada.
Captain Myat Moe Aung oo ahaa duuliyihii diyaarada ayaa garoonka diyaaradaha laba jeer ku dul wareegayay isagoo doonayay in lugaha ay u fidsamaan, hase yeeshee markii dambe ayuu go’aansaday inuu diyaaradda dejiyo isagoo raacaya talooyin ay siinayeen dadka haga diyaaraduhu.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Embraer 190 ayaa dhammaan dadkii saarnaa aysan waxyeelo soo gaarin waxaana laga soo dejiyay diyaarada iyagoo bed qaba.
Diyaaradan ayaa ka soo duushay magaalada Yangon waxana markii ay ku soo dhowaatay magaalada Mandalay ay awoodi weysay diyaarada in lugaha u baxaan.
Wasiirka gaadiidka dalka Myanmar Win Khant ayaa ku tilmaamay howsha uu qabtay duuliyaha inay ahayd mid weyn.
Muddo toddobaad ah dhacadaan waa tii labaad oo dhinaca diyaaaradaha ee ka dhacda dalka Myanmar ,waxaana Arbacadii aynu ka soo gudubnay ay diyaarad ka baxday waddada garoonka diyaaradaha magaalada Yangon waxaana uu dhaawac ka soo gaaray illaa iyo 17 ruux oo diyaarada saarnaa.

COMMENTS