CABAYS.COM
Ethiopia oo fashilisay weerar argagixiso oo Al-Shabaab ay ka fulin lahayd dalkaas
April 13, 2019 - Written by Cabays

Addis Ababa (Cabays Media) – Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in la fashiliyey weerar argagixiso oo gudaha dalkaas laga fulin lahaa, islamarkaana la xidhay dhowr qof oo ku lug lahaa.

Berhanu Tsegaye ayaa sheegay in booliska iyo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISS ay fuliyeen howl-gal wadajir ah oo ay kusoo xidheen shaqsiyaad qorsheynayey weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha dalka Itoobiya.

Weerarka ayaa la sheegay inay soo qorsheysay kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, waxaana lala beegsan lahaa goobaha mashquulka badan ee dadweynaha.

Dadka weerarka qorsheeyey ayaa la sheegay in gacanta lagu hayo oo la xidhay, balse lama shaacin tiradooda.

Dhinaca kale, Berhanu Tsegaye ayaa sidoo kale sheegay in 59 qof laga soo xidhay saddex xarumo dadweyne ah, iyada oo lagu tuhmayo musuq-maasuq, waxaana dadkaas ku jira saraakiil dowladeed iyo maal-gashadaayaal.

Eedeymaha loo soo xidhay ayaa waxaa ka mid ah musuq-maasuq baaxad weyn oo ka dhacay xarumahan dadweyne, intii ay socdeen mashruucyo la fulinayey.

Sida uu sheegay Berhanu, baadhitaanka ayaa qaatay saddex bilood.

Qiyaatsii 23.7 milyan oo dollar oo hanti-dadweyne ah ayaa la sheegay inay dadkani lunsadeen.

 

COMMENTS