CABAYS.COM
Garaad Kulmiye Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Gar. Dool iyo xubno uu hogaaminayey oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey
January 25, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa JSL) Garaadka guud ee madaxdhaqameedyada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool iyo xubno uu hogaaminayo oo uu ku jiro Suldaan Maxamed ayaa ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Socdaalka Garaad Kulmiye ayaa la xidhiidha safar ay kaga yimaadeen deegaamadii colaadu ku dhexmartay beesha Dhulbahante dhexdeeda, taas oo ay ka hawlgaleen sidii loo soo afjari lahaa, isla markaana loo xoojin lahaa nadabada bulshada wada degta laba dhinac ee deegaanka DDSI iyo Somaliland ee ku abtirsata beesha Dhulbahante.

Garaad Kulmiye oo aad ugu dadaalay sidii nabada deegaamadaasi ku gaadhi lahaa, ayaa maanta waxa Hutel Bacado ee magaalada Hargeysa kulan hadhimo-sharafeed ah ugu sameeyey wasiirka Arimaha Horumarka Biyaha ee Jam. Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay Garaad Kulmiye iyo xubno badan oo labada dhan ee DDSI iyo Somaliland uga hawlgaleen soo af-jarida colaada sokeeye ee beesha Dhulbahante.

Kulankan Hadhimo sharafeedka aya ahaa mid xubno badan oo geegaanka Sool ka iyo kuwo Hargeysa ah kulmisay.

 

 

COMMENTS