CABAYS.COM
Golaha Guurtida Oo Sii Xoojiyey Dhaqan-galka Xeerka La Dagaalanka Mukhaadaraadka
September 12, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –   Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda SomalilandSiciid Jaamac Cali, ayaa sheegay in mar kale guddi ka kooban sagaal xubnood loo magacaabay ka soo tallo-bixinta iyo soo naaqishida xeerka  la dagaalanka mukhaadaraadka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda Siciid Jaamac Cali, ayaa sharraxay qaabka ay come ahaan guddida ugu saareen Xeerkan,  “Guddi gaara ayaynu u magacaabayna xeerka la dagaalanka maandooriyaha, sababto ah xeerku weli wuu isku dhex jiraa, waxaanu u baahan yahay in dib la isugu soo habeeyo, iyo Dasstuur waafajin in wixii aan Dastuurka waafajisanayn la soo waafajiyo, oo xeer-saliima, oo isku habaysan oo aan iska hor-imanayn oo aan shareecadda islaamka ka hor imanayn golaha la hor keeno, intaasi kadibna goluhu u codeeyo waxaanay guddidu ka kooban tahay sagaal xubnood.”

.

Cabays news.com

COMMENTS