CABAYS.COM
Gudoomiyaha Aqalka Senadka Soomaaliya oo la helay warqad uu Farmaajo u qaray – Muxuu ku qoran?
October 2, 2020 - Written by Cabays

Cabays Meida (Muqdisho) –  Warqad aanu ugu talo galin in dadweynuhu arkaan oo uu qoray Gudoomiyaha Aqalka Senad-ka Soomaaliya, Cabdi Xaashi oo uu u diray madaxweyne Faramaajo ayaa waxa uu kaga dalbaday in xildhibaanada ka soo jeeda Somalilanduu kulan la qaato Farmaajo.

Waraqadan oo ku taariikhaysan 1da bishan Oktobar ee sanadkan 2002 ka, ayaa Gudomiye Cabdi Xaashi ku sheegay in xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland aanay wax kulan gaar ah la qadan madaxweyne Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka waraqada ayaa lagu sheegay in xildhibaanada lagu soo xulo Xamar ee la sheego in ay Somaliland matalaan aanay halkaa ku matalon uun Somaliland, balse ay yihiin kuwo midnimada u jooga halkaa.

Warqadan ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulankii Muqdisho ee lagaga tashanayey qaabka doorasho ee Soomaaliya xubnaha madaxda iyo xildhibaanada ku jooga magaca Somaliland Xamar aan laga talo galin , lagana qayb galin wixi talo soo jeedin ah ee ku saabsan doorashada Soomaaliya, taas oo muujisay in aanay mudnaan badan ku lahayn hanaanka siyaasada ee Soomaaliya.

Warqadan uu qoray Gudoomye Cabdi Xaashi ayaa madaxweyne Faramajo uu kaga dalbaday in uu kulan la qaato, maadaama 20kii sano ee ugu dambeeyey ee Soomaaliya golaheeda baarlanka xubnaha ku jira ee la sheego in ay Somliland matalaan aan cidi waxba weydiin. Qoraalkan ayaa u muuqda mid muujinaya heerka hoose ee ay ka joogaan xubaaha Somaliland magaceeda ku xaadira ee magaalada Muqdisho lagu culo. Warqada Cabdi Xaashi  ayaa sidoo kale muujinaysa in qaabka cusub ee loo qorsheeyey doorashada Soomaaliya ee lagu dooranayo maamul goboleedada, ina ay qaawisay kuwa Somaliland ee Xamar lagu doorto cidlada ay joogaan marka ay noqoto matalaada dhabta ah ee ay ku matali karaan shacbiga Somaliland ee aanay cod run ah ka haysan,

Halkan hoose ka akhri warqada uu Cabdi Xaashi u qoray Faramaajo, taas oo la filayo in aanay waxba ka badalin xaalada hoy’la’aanta xubnahaas haysta.

 

WhatsApp Image 2020-10-02 at 9.11.51 PM (1)

 

COMMENTS