CABAYS.COM
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo baastoolad lagu weeraray – yaa weeraray?
August 8, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:- Sida ay sheegeen xubno goob joogayaal ah oo ku sugnaa xarunta Golaha Wakiilada JSL , waxa saaka weerar gacan ka hadal ah ku qaaday gudoomiyaha 1aad ee Golaha Wakiialda Somaliland Xildhihaan Saleebaan Cali Koore oo si weyn uga soo horjeeday doorashada la doortay gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo 6dii bishan loo diirtay in uu badalo musharax C/raxman Cirro oo xilkaa baneeyey.

“Xidhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa soo galay xafiiska Baashe, isna iga bax ayuu yidhi, markii ay murmeen ayaan so saarnay Saleebaan, kadibna laba shabaab ah (dhalinyaro ) oo la socday ayaa midi baastoolada la soo baxay oo ay ka qaraxday” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Nacnac oo goob jooge ahaa.

“Diriawalkii xildhibaan Saleebaan Cal iKoore iyo nin la socday ayaa midi baastooladi ka qaraxday” Sidaa waxa isna yidhi saxafi madaxbanaan, Maxamed Sagaxa oo goob jooge ahaa

“Markii ay xabadu qaraxday ayaa ilaalada Goluhu qabatay labadii nin mid, halka ka kale baxsaday, ciidamo boolis oo uu wato takiyuhuna deg deg ayey u yimaadeen” sidaa waxa yidhi Sagax oo sheegay in xabdii qaraxday aanay cidna waxba yeelin, balse halis galisay gudoomiyihii Golaha Wakiilada, Baashe Maxamwed Farax oo u muuqday ninka la soo weeraray.

Talaabadan ayaa u muuqata mid weerar loola jeeday in wax lagu yeelo Baashe Maxamed Faarax oo lagu haysto jagada gudoomiye ee Golaha Wakiilada JSL.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, C/raxmana Farotoor ayaa xaqiijiyey in laba nin iyo xildhibaan Saleebaan Cali Kooreaba boolisku ay gacanta ku dhigeen oo la xidhay.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo laba nin oo la socday ayaa hadda ku xidhan Xarunta CID-da ee Hargeysa oo boolisku ku hayaan, iyadoo baadhitaan lagu samaynayo sida wax u dhaceen.  Khliaafkan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay siyaasiyiinta ka soo kala jeeda Gobolka Sool oo la kala saftay laba xubnood ee Kulmiye iyo Waddani kala wataan ee midna gudoomiyenimada loo doortay midna diiday.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa cadeeyeye in aanu marna aqbalayn doorashadii la dooretay Baashe Maxamed Faarax, waxanu sheegay in aanu ku qanacsanayn sidii loo doortay. Xisbiga Waddani ayaa goordambe doorashadii Baashe sheegay in codadkii ay kala heleen la isweydaariyey,

Baashe

Khilaafka Golaha Wakiilada ayuu hadheeyey khilaadf weyn oo ku aroora gudoomiyihii badali lahaa C/raxman Cirro oo xilka gudoomiyenimo ka tageysi uu ugu diyaar garoobo loolanka hogaanka madaxtooyada ee doorashada busha 11aad ee sanasdkan lagu jiro. Baashe Maxamed Faarax oo ay xukumada iyo xisbiga Kulmiye wato iyo C/raxman Talyanle oo xisbiga Waddani wato ayaa muran ka dhaxeeyaa kii helay codkii lagu kala baxayey oo kala ahaa 39 iyo 38 cod.

Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa noqonaya gudoomoyihii 3aad ee Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda beesha Dhulbahante ee xilkaa qabta,

Kala soco Cabays Media wararkan wixii ka soo kordha

COMMENTS