CABAYS.COM
Gudoomiye Cirro oo Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay qaabka nabadaynta CeelAfweyn kuna baaqay in Kornayl Caare la saaxamo
August 1, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa- JSL)  – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, C/raxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa si adag ula hadlay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ugu baaqay in uu cafis u jeediyo kooxda hubaysan ee Kornayl Caaare.

Gudoomiye Cirro oo sidoo kale ka hadlay heshiiskii ay ku soo afmeereen khilaafkii qaabkii loo gali lahaa doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Kuwa Wakiilada, ayaa  sidoo kale qiray in ay arin aan wanaagsanay ahayd in beesha caalamku dhex dhexaadiyaan. Waxa kale oo uu u baaqay Golaha Wakiilada JSL oo uu ka dalbaday in ay meel mariyaan heshiiska saddexda Xisbi Qaran.

Halkan hoose ka daawo hadalkii Gudoomiye Cirro iyo jawaabihii uu ka bixiyey su’aalihii la weydiiyey.

Cirri 0809

 

 

 

COMMENTS