CABAYS.COM
Gurmadkii madaxweyne xigeenka Somaliland iyo heerka Khasaaraha deegaamadii ay ku dhufatay duufaanadu
May 22, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media: (Hargeys Jam. Somaliland)  Gurmada laxaadle oo loo fidiyey dadkii ay saamaynta weyn ku yeelatay duufaanta la yidhaa Cyclone Sagar oo ka soo kacday badweynta India, isla markaana ku xoogaysatay intii ay soo socotay Badda Cas, kuna dhufatay deegaanada teedsan xeebta Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa gaadhay cunto iyo agab kale oo loogu talogalay dadkii ka badbaaday.

Madaxwyenaha Jamhuuriyada Somaliland, mudane Cabdiraxman C/laahi Caylici ayaa kormeer ku maray si uu indhihiisa ugu arko heerka khasaaraha. Dawlada Djibouti oo gurmadka ku deeqday diyaarad qumaati u kacda ayaa waxa ay u suurto galisay in xukumada Somaliland si sahlan u gaadho goobaha ay saamaynta ku yeelatay duufaantu,

Dawlada Imaaraadka ayaa iyaduna diyaarado gurmad xambaarsan soo diray, waxaana si xoogan u socda gurmada dadka ay ku dhufatay duufaantii haleeshay todobaadkan horaantiisii.

Halkan shoose waxa aanu idiin soo dhignay sawirsda muuqaalka gurmadka iyo khasaaraha goobaha ay saamayn ku yeelatay duufanta Cyclone Sagar.

Image may contain: outdoor and nature

Waa muuqaalka heerka khasaaraha duufaanta

Image may contain: outdoor

Waa muuqaalka burburka ay geysatay duufaantu.

Kormeerka madaxweyne xigeenka JSL oo rajo galiyey dadka deegaamada ay ku dhufatay duufaantii Cyclone Sagar iyo heerka khasaaraha oo la soo tiro kobay.

Agaasimaha madaxtooyada JSL, Maxamed Cali Bile oo qoraal uu soo dhigaya barta uu ku leeyahay Facebook-ga ,kaga warmayo halka ay marayso dadaalka loogu gurmanayo dadka ay ku dufatay duufaanta saamaynta ku yeelatay deegaamada xeebata Somaliland,

Qoraalka agaasime Maxamed Cali Bile ayaa waxa ka mid ahaa mar uu ka hadlayey heerka khasaaraha iyo tirada dadka ee la og yahay in ay saameysay duufaanta, sidan.

“Burburka iyo barakaca ka sakow, waxa illaa hadda la xaqiijiyay dhimashada 25 qof iyo 27 ruux oo la la’yahay, halka 12 ruux ay dhaawac yihiin. Duufaankani waxa uu saameeyey (669,000) lix boqol sagaal iyo lix-dan kun oo qof una dhiganta 167,250 qoys oo ku sugnaa goobahaa duufaantu martay, waxa iyaguna baxay 80% xoolihii ku sugnaa deegaamadaas, iyadoo ay go’an yihiin isgaadhsiintii, iyo waddooyinkii gaadiidku isaga gudbi jireen ee goobaha masiibadu ku dhufatay, waxa iyaguna inta badan dumay goobihii caafimaadka ee MCH-yada iyo dugsiyadii waxbarashada ee ka qayb qaadan lahaa samata-bixinta dadka ay soo gaadhay duufaantu”

Hase ahaatee waxa jira meel badan oo ka mid ah tuulooyinka iyo deegaamada ay ku dhufatay duufaantu oo aan wal ila gaadhin, waxaana suurto gal ah inay tirada uu agaasimuhu shegay ay ka sii korodho.

 

Image may contain: one or more people, people standing, people walking, sky and outdoor

Madax-xigeen Saylici oo lug ku maray dhulka ay ku dhufatay duufaantu

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo kormeeraya meelaha khasaaruhu gaadhay

Dadka ay saamaysay oo lagu daabulayo diyaarad Djibouti keentay

Kaalinta gurmadka dalka Imaaraadka Carabata :

Dawlada Imaaraadka oo ka jawaabtayu  baaq gurmadka dadka ay duufaantu ku dhufatay, soona dirtay diyaarado sida cunto iyo dawooyin, gurmadkana lagu galis karo oo ah kuwa meel badan fadhiisan kara.

No automatic alt text available.

Cuntada ay gurmad ahaan u keeneen Imaaraadku

Image may contain: 1 person, sitting

Diyaarada gurmadka ah ee Imaaraadka

Image may contain: 2 people, people sitting

Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo macluumaadka kala qaadanaya

 

COMMENTS